Daawo: Madaxweyne Xasan oo laba sarkaal ku amaanay kaalintooda dagaalka Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa aad ugu amaanay doorka ay ku leeyihiin dagaalka dalka ka socda Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf iyo Taliyaha ciidanka dhulka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi.

Madaxweynaha oo maanta xerada ciidanka xoogga ee Jeneraal Goordan kula hadlaayey cutubyo ka tirsan ciidankii tababarka ku soo qaatay dalka Eritrea ayaa labadaas taliye ku amaanay sida ay waqti ugu bixiyeen hoggaaminta dagaalka dalka looga xoreynayo Al-Shabaab.

Wuxuu sheegay in maalin kasta ay isaga gudbaan dhul halis badan oo cadow ka dagaalamayo, iyagoo awooda inay xafiisyadooda fariistaan oo ciidanka halkaas ka hagaan.

“Odawaa iyo Biixi oo garbaheyga taagan har iyo habeyn ma nastaan, iyagoo Janano ah oo xafiisyo leh ayey buuraha ku dhex hoydaan, furimaha kama soo baxaan, sidaas oo kale ayaan idinka rabaa inaad uga qeyb qaadataan dagaalka Al-Shabaab,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo aad ula dardaarmay ciidankaan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Biixi iyo Odawaa ay awood u leeyihiin in xafiiskooda aysan ka bixin oo ciidanka dagaalamaya ay gacanka oo kaliya kala hadlaan, balse taas ay meel iska dhigeen oo furimaha ay isku daba-maraan, si looga guuleysto argagixisada.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa shaaciyey in dad badan ay su’aalo ka weydiiyeen sababta uu ciidanka u dhex-tago, balse wuxuu sheegay inuu aad ugu farxo guulaha ciidamada, isla markaana uu farxad badan dareemo marka uu la kulmayo ciidanka.

“Waxaan ahay Aabe, waana garanayaa in aad u baahan tihiin inaad u tagtaan ehelladiinii oo booqataan tuulooyinkii ay waalidkiin deganaayeen, waa tegeysaan insha allaah, iyagoo xor ah oo intii cadow heysto laga xoreeyey,” ayuu ciidankaan kula dardaarmay madaxweynuhu.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ciidankaan faray in ay u diyaar garoobaan ka qayb galka dagaalka dalka looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab.

“Aniga iyo shacabka Soomaaliyeedba waan ku faraxsanahay dib usoo laabashadiina. Maanta wixii ka dambeeya waxaan galeynaa diyaar garoow iyo dhaqaaq aan ku wajahayno cadowga. Waxaan rabnaa in howgalka cusub ee deegaanada dhimman lagu xoreynayo uu ka degdeg bato kii hore, muddo koobana lagu soo afjaro,” ayuu dardaarankiisa ku sii daray Xasan Sheekh.

Ugu dambeyntii Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahad celiyay Dowladda Eritrea garab istaagga ay u muujisay Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed waqtiga adag ee lagu jiro dib u xoreynta dalka.

“Halka u jeedo ee Eritrea ay ka leedahay inay ciidankaan noo tababarto waa in Soomaaliya ay ka xorowdo cadowga dalka iyo dadka duleystay, magaca Eritrea in mar kasta aan xusno kama caajisi doono,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Hoos ka daawo