Wasiirka Maaliyadda DF oo shaaciyey in deyn cusub ay qaadatay Somalia (Dhageyso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cilmi Maxamuud Nuur ayaa markii ugu horeysay ka soo jawaabay warbixintii sanadlaha aheyd ee hantidhawraha guud ee qaranka, taas oo inteeda badan quseysay wasaaradda maaliyadda.

Xafiiska hanti-dhowraha guud ee dawladda Soomaaliya ayaa dhowaan daabacay warbixin sannadeedka maaliyadda ee 2021-kii, taas oo lagu shaaciyey in 55% wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda ay ku guul-daraysteen inay reebaan caddaymaha lacag bixiinta iyo kharashaadka xisaab-xirka hay’adahaas.

Waxaa kale oo hanti-dhowruhu sheegay lacag ku dow $100 milyan oo dollar inay Wasaaradda Maaliyaddu ka daynsatay hay’adda lacagta adduunka ee IMF iyo Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, taas oo la isticmaalay.

Wasiirka ayaa qiray in caqabadihii iyo dul-duleeladii maaliyadeed ee hantidhawruhu soo bandhigay ay jiraan, sidoo kale wuxuu qiray inay jirto lacagtaas ay deynsatay dowladda Soomaaliya.

Wasiir Cilmi ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya aan loo ogoleyn in ay deyn qaadato, balse hey’adda lacagta adduunka ee IMF ay horay u ogolaatay 100 milyan oo lagu qalabeynayo Bangiyada maamula dhaqaalaha dalka.

“Soomaaliya hadii ay qaadato deyn wax badan ayey ku weyneysaa, laakiin hadda waxaa noo ogolaatay oo na deymisay IMF, lacagtaas waxay keyd ahaan u tiilay bangiga dhexe, hadii aan isticmaalno waxaa nagala rabaa dul-saar, hadii ay iska taalana dul-saar nalama qaadeen, balse hadda waan u baahanay waana isticmaalnay, waxaana lagu waajibay dul-saar,” ayuu yiri Wasiir Cilmi.

Sidoo kale wuxuu cadeeyey in lacagtaas ay isticmaashay xukuumadii tan ka horeysay, “Lacagtaas oo ku keydsaneyd Bangiga dhexe, waxaa ka maarmi weysay xukuumadii hore, xiligaasna baarlamaanka la hor geeyo, si loo fasaxo isticmaalkeeda ma uusan jirin, marka sidaas ayaa loo isticmaalay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Lacagtaas ayuu sheegay in markii hore loogu tala galay xoojinta keydka bangiga dowladda, isla markaana ay ogolaadeen bangiga adduunka iyo IMF in la isticmaali karo, hadii laga maarmi waayo, balse aysan aheyn deyn si ku talagal ah loo soo qaatay.

Hoos ka dhageyso wareysiga