Kismaayo (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ayaa qoraal ka soo saartay howlgal ay ciidamada Danab ee Xoogga Dalka ka fuliyeen gobolka Jubbada Hoose ee Jubbaland, halkaas oo lagu beegsaday horjoogayaal iyo dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.
Qoraal ay soo saartay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada Danab ay howlgalkaas ka fuliyeen deegaanka Harboole ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo lagu beegsaday xubno sare oo la doon-doonayey, kuwaas oo dadka afduubi jiray.
“Hawlgalka waxaa lagu dilay xubno Khawaarij ah oo muddo dheer ku jiray liiska dadka la baadi-goobayo, kuwaas oo ku lug lahaa falal argagixiso iyo afduubyo ka dhacay gudaha dalka iyo waddamada deriska ah,” ayaa lagu yiri warka dowladda.
Qoraalka Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa intaas ku sii daray: “Intii uu howlgalka socday, ciidanku waxay gacanta ku dhigeen hub iyo saanad ay kooxda Khawaarijtu u adeegsan jirtay dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.”
Meel u dhow deegaanka lagu beegsaday Al-Shabaab waxaa maalin ka hor lagu dilay dad badan oo shacab ah, kuwaas oo kooxda Al-Shabaab ay qarax miino la beegsatay gaari ay la socdeen, kaas oo ka baxay Kismaayo.
Ragga lagu beegsaday howlgalkaas ayaa aad u dhibi jiray dadka safarka ah ee gobolka Jubbada Hoose, waxayna ka dhigi jireen kuwo ay miino u dhigaan, kuwo ay afduubtaan, iyo kuwo ay lacago madax-furasho ah ka qaataan.
Saraakiil ka tirsan Danab ayaa Caasimada Online u sheegay inay xaqiijinayaan magacyada ragga lagu dilay howlgalkaas oo muddo dheer la doon-doonayey, kuwaas oo ku dhuumaaleysan jiray dhulka howdka ah ee gobolka Jubbada Hoose.