DF oo shaacisay habraaca doorashooyinka maamul goboleedyada (Akhriso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay qaabka uu noqonayo habraaca doorashooyinka maamul goboleedyada, iyadoo lasoo saaray hab raaca guud ee doorashooyinka.

Wasaarada Arimaha Gudaha ee dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay Mabaadii’da iyo Habraaca guud ee Doorashooyinka Dowlad Goboleedyada, islamarkaana waxa ay sheegtay in maamul goboleedyadda laga doonaayo in ay raacaan Wadada Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Habraacaan ayaa imaanaya iyadoo dhawaan maamulada Jubbaland iyo Galmudug ay dhawaan ka dhici doonaan doorashooyinka madaxtinimada maamuladaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com