Ujeedada safarka Farmaajo uu ku tagayo Sacuudiga

Jeddah (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan dalka Koonfur Africa ayaa la filayaa inuu dhawaan u amba baxo dalka Sacuudiga oo wajahayo xaalad adag kadib Cadaadis xoog leh oo kaga imaaday Xuutiyiinta Yeman iyo Dalka Iiraan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku sii jeeda dalka Sacuudi Carabiya, halkaasoo uga qeyb galayo shir degdeg ah oo Boqorka Sacuudiga uu isugu yeeray Madaxda Carabta iyo kuwa Khaliijka, kaas oo looga hadlayo weeraradii u dambeeyay ee Xuutiyiinta Yemen ku qaadeen Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Safarka Madaxweyne Farmaajo ku joogo Koofur Afrika ayaa maalmo qaadan doona, kaddib marka uu maanta ka qeyb galo Caleema saarka Madaxweynaha Koofur Afrika Cyril Ramaphosa, waxaana la sheegay inta laga gaarayo 30-ka bishan May uu ku sugnaanayo Koofur Afrika, kaddibna uu uga gudbi doono magaalada barakeysan ee Makkah Al Mukarama.

Kooxda Xuutiyeenta ee ka dagaalanta dalka Yaman ayaa dagaal kula jirta wada isbahaysiga ah ee taagaara Dowlada Yaman oo ay ka midyihiin wadamada Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta, waxa ayna dhawaan Gantaalo ku tuureen Sucuudiga.

Xuutiyiinta dalka Yeman ayaa duqeymo waaweyn ka fuliyey gudaha dalka Sacuudiga, waxaana ugu dambeeyey isku daygii ay ku doonayey inay ku duqeeyaan Magaalada Barakeysan ee Makka Al-Mukarama.

Xulafada Sacuudiga oo ay ugu horeyso Imaaraadka Carabta ayaa weeraro toos ah iyo kuwa siyaasadeed ku qaaday wadamo Islaam ah oo ay ugu horeyso Qatar iyo Yeman, sidoo kalana waxya hadda daansaansi ku hayaan dalka Iiraan oo dagaal kula jiro Mareykanka.

Caasimada Online
Xafiiska Jeddah
caasimada@live.com