DF oo shaacisay halka ay ku danbeysay lacagtii laga qabtay Imaaraatka Carabta

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Somalia ayaa markii ugu horeysay ka hadashay lacago Bishii April 2018 lagu qabtay Garoonka Aadan cadde ee magalada Muqdisho.

Lacagtan ayaa waxaa lahaa dowlada Imaaraadka carabta waxa uuna qorshaheedu ahaa in lagu qalqal galiyo dalka, iyadoo loo adeegsan lahaa caqabadaha dowlada Somalia, maadaama labada dal ay isku khilaafsan yihiin arrimaha Siyasaada.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo lagu wareystay Barnaamijka todobaadlaha ee BBC Al-Arabiya ayaa sheegay in dowlada Somalia ay weli heyso lacagtaas oo ku dhow 9 malyuun iyo 600 oo kun oo dollarka Mareykanka isla markaana ay ku jirto keydka Dowlada Somlaia.

Waxa uu sheegay Wasiirka in sababta ay dowlada Somalia u wareejin la’dahay lacagtaasi ay tahay inaanu jirin xiriir sidaa usii buuran oo xiligaan kala dhexeeya Imaaraadka.

Cawad waxa uu carab dhabay in dowlada Somalia aysan dano gaara ka laheyn lacagta Imaaraadka ee iminka ku jirta Keydka Bankiga Dhexe, hase yeeshee ay muhiim tahay in dhiibisteeda ka hor xal laga gaaro faragalinta.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa ku nuux-nuuxsaday inay muhiim tahay in lacagtaasi lagu celiyo sifo sharci ah, balse ay dowlada Somalia marka hore dooneyso in laga wadahadlo xadgudubka.

Haddalka Wasiir Cawad ayaa kusoo beegmaaya iyadoo ay weli jirto xiriir xumo ka dhex oogan dowlada Somalia iyo Imaaraadka carabta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com