Xog dheeraad ah oo laga helaayo kulanka dhexmaray Farmaajo, Galeyr iyo Faysal

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa kulan magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium-ka ku dhexmaray Madaxweynaha JFS Farmaajo Guddoomiyaha xisbiga UCID Feysal Cali Waraabe iyo Cali Khaliif Galeyr.

Kulanka oo ahaa mid wakhti kooban qaatay ayey uga wadahadleen sida lagu soo nooleyn lahaa wanaagii u dhexeeyay dowlada Somalia iyo Somaliland.

Madaxweyne Farmaajo ayaa labada mas’uul u ballanqaaday in dowlada Somalia ay dib u wanaajineyso maamulka Somaliland, waxa uuna cadeeyay in dowladu aysan xumeyn, balse laga fahmay xumaan.

“Anigoo ku hadlaaya magaca dowlada waxaan diyaar u nahay inaan xalino tabasho waliba,shacabka Somaliland waa cad nagamid ah Soomaaliyana meel kuma kala tagto”

“Waxaan diyaar u nahay wadahadal iyo inaan wanaajino maamulka Somaliland iyo shacabkeeda, waxaanu dooneynaa in Siyaasiyiintiina aadan hurin khilaafka oo aad taageertan wado waliba oo leysugu soo dhawaan karo”

Madaxweyne Farmaajo waxa uu Faysal Cali Waraabe iyo Cali Khaliif Galeyr u cadeeyay in Somalia iyo Somaliland aysan in diidaneyn, hase yeeshee ay jiraan dad ka dhex shaqeeya colaada labada dhinac.

Waxa uu Farmaajo hubaal ka dhigay in wax waliba ay hagaageyso waa haddii la helo siyaasiyiin labada dhinac ah oo si wanaagsan u wajaha xalinta tabashooyinka.

Sidoo kale, Faysal Cali Waraabe iyo Cali Khaliif Galeyr waxa ay aqbaleen in dowlada Somalia ay kala shaqeyn doonaan wado waliba oo lagu xalinkaro khilaafka Somalia iyo Somaliland.

Faysal Cali Waraabe iyo Cali Khaliif Galeyr waxa ay sidoo kale ballanqaaden in siyaasadooda aysan u eegi doonin danahooda gaarka ah, iyaga oo carab dhabay inay u kala dabqadi doonaan laba dhinac.

Sidoo kale Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa sheegay kulanka ay la yeesheen Madaxweyne Farmaajo inuu ku soo dhamaaday is fahan, isaga oo sidoo kale sheegay inay ka dalbadeen in xanafta laga fogaado, si uu u yimaado isku soo dhawaansho.

Inta uu kulanka socday waxa ay Seddexda mas’uul isku raaceen in Soomaalidu aysan is khilaafsaneen balse cida is khilaafsan ay tahay madaxda oo qaab ku saleysan baahidooda u roga Siyasada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com