Halkee ayuu ku danbeeyay wada-hadalkii laga dhex waday DF iyo Imaaraadka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa wadahadal la sheegay in waayadan laga dhexwaday Dowladaha Somalia iyo Imaaraadka carabta.

Wadahadalka oo marar kala duwan leysku fahmi waayay ayaa waxaa la xaqiijiyay in fashilkiisa ay sabab u noqotay dowlada Imaaraadka carabta oo dano Siyaasadeed ka leh Somalia.

Axmed Ciise Cawad Wasiirka arrimaha dibadda Somalia oo wareysi siinaayay BBC Al-Carabiya ayaa sheegay in wadahadal ay labada dhinac ka dhexwaday dowlada Sacuudiga balse uusan mirro dhalin.

Waxa uu qiray Wasiirka in wadahadalka uu fashilmay isla markaana ay dowlada Imaaraadka carabta la imaaday shuruudo adag.

Waxa uu sheegay inuu wali jiro khilaaf hase yeeshee xalkiisa uu imaan doono goorta ay qaladaadka jira ay garwaaqsato Imaaraadka.

Waxa uu sidoo kale, Wasiirka cadeeyay in dowlada Sacuudiga ay sii wadi weysay wadahadalka laga dhex abuurayay Somalia iyo Imaaraadka sidaana uu ku hakaday.

Dowlada Somalia ayaa aad uga soo horjeeda inay u hogaansamato qodobo gaara ay dooneyso dowlada Imaaraadka inay kula heshiiso, si aan heshiiska kadib looga talaabin qodobada la kala xariiqday.

Geesta kale, Dowlada Somalia ayaa horay u sheegtay inaysan aqbali doonin in lagu xadgudbo madax-banaanineeda, waxaana iminka hakat ku jira xiriirka iyo dhamaan shaqooyinkii ka dhexeeyay labada dhinac.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com