DF oo shaacisay halka uu marayo dadaalka Soomaaliya ugu biireyso ururka EAC

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya ee Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa ka warbixiyay dadaalada ay dowladda federaalka ugu jirto in ay xubin ka noqoto ururkaasi.

Cabdisalaan Hadliye Cumar oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa waxa uu sheegay in rejo wanaagsan ka qabaan in wafdi culus oo ka socday ururkaas oo dhawaan yimid caasimada dalka ee Muqdisho ay Soomaaliya ka gudbi doonaan warbixin u qalanta ku biirista EAC.

“Waxaa soo dhameyn 12 cisho oo nala joogeen wafdi ballaaran oo 40 qof ka badan, wafdigaas wuxuu fiiriyay sida ay dowladda Soomaaliya u shaqeyso iyo waxa ay qabaneyso Soomaalidu. Dhinac walba waa laga eegay, dhinaca dhaqaalaha, lacagta, sharciga, ciyaaraha, iyo dhaqanka, marka dhinac aan laga eegin majirto,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay rajeynayaan in wixii ka dambeeya 25-ka bishaan loo gudbi doono wajiga labaad ee hanaanka ay Soomaaliya uga mid noqoneyso ururka bulshada bariga Afrika (EAC).

“Waxaa qabna in natiijada kasoo bixi doonta ay fiican tahay oo aan marxalada labaad gaari doono marka ay ku noqdaan dhulkooda,” ayuu yiri Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya ee Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Meel fiican ayay marayaan (dadaalada ku biirista) waxa ku rejo qabna in la yidhaahdo report-kii waa la aqbalay Soomaaliya ha gaarto marxalada labaad.”

“Majirto caqabad gaar ah oo ku gadaaman ama ku hor-gudban oo Soomaaliya ka hortaagan ku biirista ururkaan, umana jeedo.”

Shirka qiimeynta Soomaaliya ee ku biiridda ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa 25-ka bishii hore ka furmay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, ayada oo ay ka qeyb-galeen wafuuda ka socotay toddobada waddan ee EAC.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo 21 Luulyo 2022-ka ka qayb-gelay shir hordhac u ah shir-madaxeedka dalalka ku mideysan dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo ay marti-gelisay magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya ayaa u gudbiyey codsi rasmi ah oo ku aaddan kamid noqoshada Soomaaliya ee dalladan.

14-kii August, wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Cabdisalaan Hadliye Cumar, oo hore usoo noqday wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya loogu magacaabay ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha ee ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Madaxweynaha ayaa dadaal badan ku bixiyay sidii ay Soomaaliya uga mid noqon laheyd EAC, ayada oo madaxda dalladan uu la wadaagay sida ay Soomaaliya uga go’antahay dhameystirka dhamaan habraacyada muhiimka ah ee ka mid noqoshada dowladaha ku bahoobay dalladdan.

Qorshaha ku biirista Soomaaliya ee EAC ayaa lagu wadaa in sanadkaan lasoo gaba-gabeeyo qorshaheeda, si ganacsatada Soomaaliyeed ay fursad ugu helaan ka qeyb qaadashada horumarka dhaqaale iyo is-dhexgalka bulshada Gobolka Bariga Afrika.