Madaxweyne Qoor Qoor oo dalab la xiriira dagaalka socda u gudbiyay Mareykanka

Hobyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cadi Kaariye Qoor-Qoor ayaa kulsn muhiim ah la yeeshay saraakiisha taliska ciidamada Mareykanka ee Africa (AFRICOM) ee ku sugan xeebaha degmada Hoyo.

Madaxweyne Qoor-Qoor iyo saraakiisha Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa wada-hadlay xoojinta howl-galada dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab, sida ay baahisay warbaahinta dowladda.

Qoor-Qoor ayaa intii uu socday kulankan waxa uu ka codsaday taliska Mareykanka inay laba jibbaaraan howl-galada dhinaca cirka ah ee ka dhanka Al-Shabaab, iyada oo codsiga madaxweynaha ay aqbashay AFRICOM.

Sidoo kale waxa uu Mareykanka ka codsaday inay ka qeyb qaataan sidii deegaanada laga xoreeyay maleeshiyada Al-Shabaab dib loogu soo celin lahaa adeegyada caafimaadka, biyaha, iyo waxbarashada.

Deegaanada Galmudug ayaa waxaa si habsami leh uga socda dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, ayada oo ciidmada dowladda iyo kuwa dadka deeegaanka ay kooxda Al-Shabaab ka qabsadeen degmooyin istiraatiiji ah oo ay ku jirto degmada Xarardheere, oo sanado badan ay ka talinaysay kooxda.

Militariga Mareykanka ayaa toddobaadkii hore sheegay inay weerar dhinaca cirka ah ku dileen 30 ka tirsan Al-Shabaab meel u dhow Xarardheere, kadib codsi uga yimid dowladda federaalka Soomaaliya.