DF oo shaacisay in dad cusub oo Muqdisho ku sugan laga helay Coronavirus

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in kiisaska dadka laga helay cudurka Coronavirus ee Soomaaliya ay kordheen oo ay gaareen 7 qof, halka markii hore ay ka ahaayeen 5.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyey in laba kiis oo cusub oo ah dad qaba xanuunka Coronavirus laga xaqiijiyey magaalada Muqdisho, taasi oo tirada magaalada ka dhigeysa 5 qof.

Waxaa sidoo kale hore loo xaqiijiyey laba kiis oo deegaanada Somaliland ah, taasi oo tirada guud ee Soomaaliya ka dhigeysa 7 kiis.

Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in labada qof ee kiiska laga helay ee Muqdisho ay kala yihiin qof muwaadin Soomaaliyeed ah iyo ajnabi ku sugan caasimada.

Wasaaradda ayaa intaas ku dartay in mid ka mid ah dadkii horey cudurka looga helay uu kasoo bogsooday, mana jiro illaa hadda qof cudurka ugu geeriyooday gudaha Soomaaliya, inta la ogyahay.

Dhinaca kale, guddiga sare ee loo xil saaray xakamaynta Coronavirus ee Soomaaliya, oo shir jaraa’id ku qabtay Isbitaalka Martiini, ayaa Soomaalida ugu baaqay inaan la qarsan, haddii la isaga shakiyo cudurka.

Dr. Cabdirizaaq Yuusuf Axmed (Jalaalu-diin) oo xubin ka ah guddiga sare ayaa sheegay inuu ka baqdin qabo in uu dalka ku laba qarxo cudurkan, haddii ay dadka qaarkii qarsanayaan.

“Wuu jiraa xanuunka ha inkirin, dadka ka ilaali. Naftaada ka ilaali waa xanuun saf mar ah oo kugu dhici kara, qof walbana ku dhici kara, waa farriinta aan jecelnahay inaan dadka la wadaagno,” ayuu yiri Dr. Cabdirizaaq.

Dowladda Soomaaliya ayaa xarun lagu karantiio dadka qaba cudurka Coronavirus  ka hirgelisay Isbitaalka Martiini ee Muqdisho, waxaana ay howl-wadeennada goobtan ku boorinayaan buldhada in ay u dhega nuglaadaan talooyinka iyo wacyi-gelinta hay’adaha caafimaadka ee dalka.

Tirokoobka kiisaksa COVID-19 ee Soomaaliya, daqiiqad kasta kala soco halkan.