JAWAAB laga bixiyey inuu Coronavirus dib u dhigi karo doorashada Soomaaliya?

Guddiga wadajirka ku meel gaarka ah ee diyaarinta xeerarka dhammeystirka sharciga doorashooyinka Qaranka ee Somaaliya ayaa sheegay inay si ku meel gaar ah u hakiyeen howlihi ay wadaan, coronavirus awgiis.

Guddign oo ah mid isku dhaf ah oo laga soo kala xulay labada aqal ee baarlamaanka, oo si wada jir ah uu guddoonka baarlamaankla u magacaabay, ayaa howlaha loo xilsaaray waxaa ka mid ah qoondada haweenka ee baarlamaanka waxay howshoodu billaabeen bishii February ee sanadkan.

Su’aalaha ugu waaweyn ee soo ifbaxay kaddib hakinta shaqadii guddigan waxaa ka mid ah in doorashada Soomaaliya ay suurtagal tahay inay dib uga dhacdo waqtigii loo qorsheeyay.

Guddoomiyaha guddiga Ibraahim Isaaq Yaroow, oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in dib u dhac ku yimaada doorashada uusan hadda xisaabta ku jirin.

“Ilaa hadda arrintaasi iima muuqato, baarlamaankiiba haddii uu isku soo laabto annagu waan geyn karnaa xeerarka….doorasho qof iyo cod ahna wali rajo ayaa laga qabaa in ay dhici karto. Ilaahay ha naga haayo masiibo naga celiso iyo Coronavirus-kan in uu soo xakameysmo oo ay noo suurowdo isu socodkii iyo in aan ku dhiirran karno nolol iyo mustaqbal,” ayuu yiri.

Ibraahim Isaaq ayaa sheegay in hadda ay xubnaha guddigu shaqadooda kasii wadaan guryahooda, laakiin ay joojiyeen kulamadii ay isugu imaan jireen.

Mar uu arrintaas sharraxayay ayuu yiri: “Guddiga meel ma kala jiro, magaalada Muqdisho ayuu joogaa oo aqlabiyaddiisa ugu badan tahay, shaqadiisuna halkaasi ayuu ka wataa…laakiin isu keenidda dadka iyo hawlihii iyo safarradii aan geli lahayn baan suuroobeynin , taas baan hakinnay kaddib markii aan la tashiyo sameynay. Waan wadi doonaa shaqadeenna, haseyeeshee qoraal iyo in shaqadii aan guryaheenna ka sii wadno innaga oo qalabkii tiknoolajiyadda adeegsanayno aan wadno ma reebana. Waana ku ballannay, xubnihii guddigana waa ay iska warqabaan waa ayna soconaysaa hadduu Alle idmo”.

Ilaa hadda maxaa u hirgalay guddiga?

Guddoomiyaha Guddiga wadajirka ku meel gaarka ah ee diyaarinta xeerarka dhammeystirka sharciga doorashooyinka Qaranka ee Somaaliya, oo su’aashaas ka jawaabaya ayaa yiri: “Guddiga wax badan baa uga qabsoomay qorshihiisi. Markii uu isku yimid oo doorasho sameeyay oo uu is-dhisay oo gudihiisa is doortay, xeer-hoosaad buu sameystay oo loo marayo habraacii lagu diyaarin lahaa shuruucdaasi, qorshe hawleedkii guddiga oo waqtiyaysan ayuu sameystay oo noo soo dhammaan lahaa haddii cudurkan uusan na dhexgeli lahayn, taasna bisha May baan ku soo dhameyn lahayn”.

Howlaha ugu waaweyn ee hakadka galay waxaa ka mid ah wadatashiyadii uu guddigan la sameynayay dhammaan dhinacyada kala duwan ee ay arrintani khuseyso.

“Guddigu ma rabo inuu kaligiis iska tashado oo intuu waraaqo qoro baarlamaanka geeyo. Guddigu wuxuu rabaa in talooyinka dadka wax leh oo saamileyda siyaasadda ahi oo axsaabta xitaa ku jiraan intay ka uruuriyaan in ay baarlamaanka geeyaan. Markii ugu horreysayba waxaa shaqadeenna ka billownay inaan la tashanno dhinacyada ay ka mid yihiin guddiga doorashooyinka madaxa bannaan ee qaranka iyo hay’adihii kale oo arrimahaasi ay khuseeyeen oo ururada bulshada ay ka mid yihiin iyo guddigii markii hore sharciga doorashooyinka soo diyaariyay ee labada aqal,” ayuu yiri Ibraahim.

Xanuunka coronavirus ayaa saameyn weyn ku yeeshay howlihii guud ee Soomaaliya, oo ay ku jiraan dhaqdhaqaaqyadii waxbarshada oo hakad galay.

Ilaa hadda shan kiis oo cudurkan ah ayaa laga soo tabiyay Soomaaliya, sida lagu muujiyay liiska tirakoobka kiisaska coronavirus ee ay sameysay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.

Dowladda Soomaaliya ayaa qaadday tallaabooyin dhowr ah oo looga hortagayo inuu cudurkan ku faafo dalka.

Tallaabooyinkaas waxaa ka mid ah in la xiray dugisayda Quraanka Kariimka iyo Mawlacyada lagu barto Diinta ee ka furan waddanka.

Xayiraadda ayaa la sheegay inay socon doonto labo todobaad iyadoo dib loo eegi doono labo todobaad kadib haddii la furayo dugsiyada iyo haddii waqti kale lagu darayo.

Xukuumadda Federaalka ayaa sidoo kale sheegtay in ilaa iyo amar dambe ay sii xirnaan doonaan Duullimaadyada dibadda iyo gudaha, iskuulada, dugsiyada Qur’aanka iyo jaamacadaha, isagoona dhinaca kale carrabka ku dhuftay iney lagama maarmaan tahay in la joojiyo dhammaan xafladaha iyo in sare loo qaado foojignaanta fayraska Corona.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo go’aankan shaaciyay ayaa shirkadaha Isgaarsiinta ka codsaday inay waqtiga ugu badan siiyaan wacyi gelinta fayraska Corona, waxa uuna dhanka kale ganacsatad ugu baaqay inaysan sare u qaadin sicirka raashinka daruuriga ah.

Xigasho: BBC Somali