28.9 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

DF oo shaacisay in Farmaajo uu hal arrin darteed taleefon kula hadlay Erdogan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed “Farmaajo” ayaa khadka teleefoonka kula hadlay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya.

Ujeedada ugu weyn ee Farmaajo uu taleefonka ugu diray Erdogan ayaa la sheegay inay ahayd aftidii ka dhacday dalka Turkiga.

Madaxweynaha ayaa ugu horreyn ugu hambalyeeyay Madaxweyne Erdoğan iyo Shacabka Turkigaba natiijada aftida dhacday maalintii Axadda 17 April 2017, taas oo ay shacabka Turkigu si aqlabiyad ah ugu codeeyeen nidaamka siyaasadeed ee dalka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale u sheegay dhiggiisa Mudane Erdoğan in najiitda aftidu ay sii xoojin doonto cilaaqaadka ka dhexeeya labada dal iyo iskaashiga labada dhinac.

Labada Madaxweyne ayaa si kooban ugu wadahadlay sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal, iskaashiga dhinacyada badan iyo taageerada arrimaha bini’aadannimo oo ay Dowladda Turkigu u fidisay bulshada Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen.

Madaxweyne Erdogan ayaa u sheegay Madaxweyne Farmaajo in Dowladda iyo Shacabka Turkigu ay mar waliba garab taagan yihiin Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed, Turkiguna uu yahay saaxiib dhow oo Soomaaliya ay isku halleyn karto. Madaxweyne Erdogan ayaa ugu dambeyn Allah uga baryay Soomaaliya in uu ka dulqaado abaaraha iyo colaadda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News