Khasaaro intee la’ eg ayaa ka dhalatay Is rasaaseynta maanta ka dhacday gobolka Sool

Hargeysa (Caasimada Online )-Wararka ka imaanaya gobolka Sool ayaa sheegaya in deegaano hoostaga Gobolka ay Is rasaaseyn ku dhexmartay Ciidamo ka tirsan maamulka Somaliland iyo Maleeshiyo beeleed deegaan ku ah Gobolka.

Is rasaaseynta ayaa ka dhacday tuulada Dharkayn-geenyo oo 75Km galbeed kaga aadan magaalada Laascaanood Xarunta gobolka Sool.

Is rasaaseynta ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen ilaa Seddex Askari oo kamid ahaa Ciidamada maamulka Somaliland, kuwaa oo tuulada Dharkayn-geenyo u gaaray dhex dhexaadinta beelo uu dagaal u dhexeeyay.

Ciidamada ku dhintay Is rasaaseynta ayaa goortii ay deegaanka gaaren muran iyo qori taag la galay Beelihii ay colaada u dhexeysay waxaana sidaa ku bilowday is rasaaseynta ciidamada maamulka iyo mid kamid ah beelaha.

Maamulka Somaliland ayaan wali ka hadal dilka loo geystay Askartooda waxaana lasoo sheegayaa in Meydadka Askartaasi la dhigay isbitaal ku yaalla gobolka Sool.

Dirirtaani uu dhiiga ku daatay ayaa kusoo beegmeysa xili deegaano hoostaga gobolka Sool ay wali ka taagan yihiin colaado sokeeye oo aafeeyay dadka ku nool Gobolka.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com