Madaxweynaha mid ka mid ah maamul goboleedyada Somalia oo 24 saac aan gurigiisa cunto laga cunin

Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullahi Cosoble iyo wafdi uu hor kacayo ayaa maanta booqday degmada Buulbarde ee gobolka Hiiraan, waxaana la socday golihiisa wasiirrada iyo taliyihii hore ee AMISOM ee gobolka Col. Cusmaan Dubad.

Wafdiga Cosoble waxaa kale oo safarka ku wehliyay taliyeyaasha Ciidamada Militariga, Nabad sugidda, taliyaha guud ee AMISOM guddoomiyaha maxkamadda ciidamada gobolka, waxaana ujeedada lagu sheegay u kuurgelidda xaaladda amni midda nololeed ee magaalada Buulaay, waftiga waxaa halkaas ku soo dhaweeyay maamulka iyo odayaasha.

Madaxweyne Cali Cabdullahi Cosoble, waxaa uu sheegay in 4 qofood ay macluul ugu dhinteen magaalada Baladweyn iyada oo taasi laga duulayana ay fureen illaa 5 jiko oo dadka lagu quudiyo, waxaa uu intaa raaciyay in gurigiisa aan 24 saac garaam laga cunin, oo dadka cunatada uu ka joojinay, ugu deeqday dadka dan yarta ah.

Madaxweyne Cabdullahi Cosoble waxaa uu sheegay sidoo kale in Buul-barde go’doon ku jirto 100% isaga oo ku baaqay in ay haboon tahay in loo soo gurmado.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com