Xog: Imisa qof ayaa madaxda maamul goboleedyada loo ogolaaday inay u raacaan shirka London?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhawaan waxaa la filayaa in Magaalada London ee Caasimadda dalka Ingiriiska uu ka furmo shirka looga hadlayo arrimo Soomaaliya oo ay hormuud u tahay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxda Maamul Goboleedyada shir kula yeeshay Magaalada Muqdisho, waxayna ka wada hadleyn arrimo badan oo ku saabsan Soomaaliya oo ay ka mid aheyd sida loo sugayo amniga iyo ciidamada Somaaliya loo qorayo.

Qodobka kale ee muhiimka ah oo ay dowladda iyo Maamul Goboleedyada kawada hadleen ayaa wuxuu ahaa shirka London ka furmayo, waxayna dowladda Soomaaliya Maamul Goboleedyada ku qancisay inay dowladda uga dambeeyaan shirkaas ayna noqdaan wafdi kamid ah wufuudada Madaxwyenaha.

haddaba Caasimadda Online ayaa heshay xog ku saabsan tirada Madaxda Maamul Goboleedyada loo ogolaaday inay wataan shirka London oo lagu tilmaamay inuu yahay shir aad muhiim ugu ah Soomaaliya.

Madaxwyene Kasta oo kamid ah Maamul Goboleedyada dalka ayaa waxaa loo ogolaaday inuu horey u wato 2 shaqsi oo uu isaga seddex ku yahay, waxaana arrintaas isla og dowladda dhexe iyo Maamul Goboleedyada.

Dowladda dhexe waxaa u matali doono Madaxweynaha Soomaaliya oo horkici doono wafdi heer sare ah, sidoo kalana waxaa ka qeyb geli doono dhammaan Madaxda Maamul Goboleedyada, waxayna isku darka wufuudda loo ogol yahay Maamul Goboleedyada noqoneyaa ilaa 15 shaqsi oo ay ku jiraan Madaxweynayaasha.

Go’aankaan ayaa waxaa soo saartay Dowladda Soomaaliya oo guddoomiyaha guddiga shirka ka dhigtay Cabdiraxmaan Ceynte.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com