Dowladda Federaalka oo xirtay bogag ay Al-Shabaab ku laheyd baraha bulshada

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo qoraal soo saray ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay guul weyn ka gaartay dagaalka dhanka baraha bulshada ee ay kula jirto Al-Shabaab.

Al-Cadaala ayaa sheegay in dowladdu ay ku guuleysatay inay xirto illaa 500 oo boggag ah oo ay kooxda ku laheyd baraha bulshada sida Facebook, Twitter, Telegram iyo TikTok.

Sidoo kale wuxuu u mahadceliyey shacabka Soomaaliyeed ee xogta lasoo wadaagay, isaga oo tilmaamay in dagaalka iyo howlgalka uu sii socon doono, guushana ay dhowdahay.

Halkan hoose ka aqriso:-

Shacabka Soomaaliyeed waxaan idinkaga mahadcelinaynaa sida joogtada ah ee aad noola soo wadaagaysaan Bogaga Khawaarijtu ay isku dayayaan in ay si dhuumaalaysi ah ugu faafiyaan Afkaartooda Habawsan.

Waxaan ogaysiinaynaa Shacabkeenna Sharafta leh in Xogta aad nala soo wadaagtaan aan markiiba ka jawaabno innaga oo si joogto ah u xirna hadba halka ay isku dayaan Khawaarijtu in ay ku dhuuntaan.

Ilaa intii aan ku bilawnay hawlgalka aan ku joojinayno Baraha ay isticmaasho Khawaarijtu, waxaan xirnay in ka badan Shan boqol oo fadhi oo ay ku kala lahaayeen Aaladaha Warbaahinta Bulshada ee Facebook,Twitter, Telegram iyo TikTok.

Runtii inta ugu badan barahaas aan xirnay waa kuwii aad nala wadaagteen walaalayaal oo aan si Maalinle ah u ugaarsanno.

Aad ayay Inoo dhiirigalinaysaa sida aad innoola wadaagaysaan god kasta oo ay isku dayaan in ay ku dhuuntaan, aadna waan idinkaga mahadcelinaynaa Walaalayaal.

Tani waxeey muujinaysaa sida dhaqsaha ah ee marka aan wada-shaqayno aan uga guulaysankarno Khawaarijta.

Joojinta Faafinta Fikirka Khawaarijka ah wuxuu ka badbaadinayaa Ubadkeenna in ay noqdaan Bambooyin Qarxa.

Mahadsanidiin markasta Shacabkeenna Sharafta badan.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay ugu dhawaaqday inay xireyso Baraha Internet-ka oo ay wax ku faafiyaan Al-Shabaab, iyaga oo Shacabka ka codsaday inay u soo gudbiyaan dowladda hadii ay arkaan Barahaas.