Dowladda oo shaacisay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu hub u doontay Itoobiya

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa wada-hadallo kula jira ra’iisul wasaaraha dalkaas Abiy Axmed.

Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) oo ka mid ah wafdiga madaxweynaha ayaa wareysi uu siiyey Idaacadda VOA wuxuu ku shaaciyey arrimaha ay Soomaaliya ka dooneyso Itoobiya.

Wuxuu sheegay in Itoobiya ay muhiim u tahay Soomaaliya, markii la eego hiigsiga dowladda, sida dagaalka Al-Shabaab, isagoo xusay in Itoobiya iyo dalalka kale ee deriska ah aan looga maarmeyn dagaalka ay dowladdu kula jirto kooxda Al-Shabaab.

Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Balcad ayaa xusay in saadka ciidamada ay Soomaaliya aad ugu baahan tahay in laga caawiyo, isla markaana Itoobiya ay ka mid tahay dalalka soo saara hubka.

“Madaxweynuhu wuxuu nku baaqay dagaal, shacabka oo ka jawaabaya baaqiisa ayaa hubka qaatay, hadda madaxweynuhu wuxuu dalka Itoobiya ka raadinayaa kaalmo dhanka dagaalka ah, Itoobiya waxay ka mid tahay wadamada hubka sameeya,” ayuu yiri Wasiir Cali Balcad.

Dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha ayuu sidoo kale xusay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay ka arinsanayaan sidii ay isaga kaashan lahaayeen, isagoo meesha ka saaray in wax un madmadow ah ay ku jiraan xiriirka labada dal.

Wasiiru dowlaha ayaa tusaale u soo qaatay sidii heerkeedu sareeyey ee madaxweynaha loogu soo dhaweeyey magaalada Addis Ababa, isagoo sheegay in Itoobiya ay aad u maamuustay soo dhaweynta iyo qaabilaada madaxweynaha Soomaaliya.

Hoos ka dhageyso wareysiga