PUNTLAND oo qabatay Al-Shabaab kasoo baxsaday Hiiraan iyo Galgaduud

Garoowe (Caasimada Online) -Taliyaha qeybta Booliska gobolka Nugaal ee Puntland, Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ayaa ka warbixiyey howlgallo lagu sugayey amniga oo ay ciidanku ka sameeyeen halkaasi.

Xuseen Cali Maxamuud ayaa sheegay in inta uu socday howlgalka ay ciidamada Booliska koontaroolka Garoowe ku qabteen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo loo maleynayo inay kasoo carareen howlgallada ka socda gobolada Hiiraan iyo Galgaduud ee bartamaha dalka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in xubnaha ay gacanta ku dhigeen lagu xiray saldhigga magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, isla-markaana ay haatan ku socdaan baaritaano, kadibna la horgeyn doono maxkamad si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

Taliyaha Booliska gobolka Nugaal oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaciyey in ay Puntland gashay heegan buuxa si looga hortego inay deegaanadeeda soo galaan xubnaha baxsadka ah ee Al-Shabaab ee haatan cadaadiska lagu saarayo maamulada Galmudug & HirShabelle.

Ugu dambeyn wuxuu baaqay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku dhaqan Puntland inay wada shaqeyn dhow la yeeshaan laamaha amniga, si loo sugo amnigooda.

Puntland ayaa hore ugu guuleysatay inay gacanta kusoo dhigto shabakado isku xiran oo ka tirsan Al-Shabaab, muddana ka howlgalayey gudaha deegaannada maamulkaasi, sida Gaalkacyo, Garoowe iyo Boosaaso, kuwaas oo xukuno isugu jiro dil iyo xabsi lagu riday.

Si kastaba, kooxda Al-Shabaab ayaa haatan wajaheyso howlgalkii ugu cuslaa, kadib kacdoon shacab oo ka billowday Hiiraan iyo Galgaduud, kaas oo ay horkaceyso dowladda Soomaaliya, ayna sidoo kale ka qayb qaadanayaan dowlado kale, sida Mareykan & Turkiga.