DF oo shaacisay inay Al-Shabaab jab ku gaarsiisay weerar ka dhacay XUDUR

Xudur (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar qorsheysan oo saaka xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay ku qaadeen qaybo ka mid ah degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, waxaana xigay dagaal foolka fool ah.

Wararka ayaa sheegaya in Al-Shabaab iska caabin xoogan ay kala kulantay ciidamada dowladda ee ku sugan degmadaas, kuwaas oo dagaal la galay.

Taliyaha ururka 175-aad, guutada 9-aad ee ciidanka Xoogga dalka Maxamed Sankuus oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday inay jab xoogan gaarsiiyeen dagaalyahanada Al-Shabaab, isla-markaana ay ka dileen illaa 3 xubnood, kuwa kalena ay ka dhaawaceen.

Sankuus ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay ka carartay meydadka saddexda nin, isla-markaana ay kusoo bandhigeen degmada Xudur oo ah meesha uu dagaalku ka dhacay.

Sidoo kale taliyaha ayaa intaasi kusii daray inay ku raad-joogaan xubnihii kale ee baxsaday weerarka soo qaaday, wuxuuna tilmaamay inay haatan wadaan howl-gallo ballaaran.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidanka Xoogga Soomaaliyeed.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaase weli dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa deegaanada hoos-yimaada magaaladaasi.

Xudur oo weli go’doon ku jirta ayaa waxaa inta badan weeraro xoogan ku soo qaada xubnaha Al-Shabaab oo haatan ku xoogan gobollada Baay iyo Bakool ee koonfurta dalka.