Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo soo bandhigtay dalalka ay geli karaan Soomaalida ku xayiran Ukraine

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS ayaa qoraal soosaaray ku sheegtay marinnada nabadgalyada ah ay mari karaan Muwaadiniinta ku xayiran Dalka Ukraine oo maalintii lixaad ku socota duqeynta Ruushka.

Qoraalka ayaa lagu muujiyay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ay xaqiijisay in marin nabadgalyo ah ay u aqoonsatay Dalalka Xadka la leh Ukraine ee kala ah: Poland, Slovakia, Hungary, Moldova & Romania.

“Safaaradaheena Beljamka iyo Berlin ayaa xiriir joogta la sameeyay 280 muwaadiniin ah oo qaarkood ka gudbay Xadka Poland, waxaase jira Dad awoodi waayay in ay ka gudbaan Xuduudaha Medyka-Shehyni & Budomiers-Hrushiv” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

“Waddamada deriska la ah Ukraine waxa aan ku bogaadineynaa in ay u hoggaansamaan sharciga Caalamiga ah ee Bani aadamnimada iyo in ay marin siiyaan Dhammaan Dadka Afrikaanka ah eek u xanniban Ukraine ee raba in ay ka gudbaan Soohdinta” ayaa lasii raaciyay qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadd Soomaaliya.

Qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu muujiyay in Safaaradaha Biljamka & Berlin lagu wargeliyay in ay degdeg aqoonsiyo saxan ku siiyaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee kamidka ah Kumanaanka ka baracay Ukraine.

Magaalada Kyiv, cabsidu way sii kordhaysaa, kolonyada Ruushku ayaa ku soo wajahan magaalada waxayna sitaan hub aad u farabadan oo xoogan.

Qof kasta oo dunida ku nool ayaa isha ku haaya waxa ka soo bixi doono kolonyadan Militariga Ruushka ee ku sii socoto Kyiv, shacabka caasimadda UKraine ayay cabsi xoogan soo wajahday,waxayna isu diyaarinayaa sidii ay isaga caabin la haayeen.

Dad badan oo u dhasahay Dalka Ukraine ayaa ka soo talaabay xadka Pooland si dagaalka qeyb uga nooqdaan.

Burbur badan iyo dhimasho badan ayaa laga cabsi qabaa, sawirradda dayax gacameedka ayaa muujinayaa in uu Ruushka aad ugu dhawyahay caasimadda Kyiv.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda