Beesha Caalamka iyo AU oo ka shiray howl-galka cusub ee Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Midowga Afrika ee Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Ammaanka Amb. Bankole Adeoye, oo maalintii saddexaad booqasho rasmi ah ku jooga Soomaaliya ayaa kulamo la yeeshay saaxiibada Beesha Caalamka ee ku sugan dalka.

Amb. Bankole ayaa xubnaha Beesha Caalamka ugu mahad-celiyay taageerada ay siiyeen AMISOM, taasi oo socotay ku dhawaan 15-kii sano ee lasoo dhaafay.

Sidoo kale waxay la wadaageen horumarka iyo meelaha mudnaanta leh ee lagu wajahayo howlgalka cusub ee ATMIS, iyaga oo kaashanaya Ciidamada Ammaanka Soomaaliya.

Adeoye ayaa ku baaqay in markale taageero maaliyadeed iyo mid agab ah oo joogto ah oo aan leex-leexad lahayn la siiyo howl-galka soo socda ee Soomaaliya, si loo daboolo jaangoynta iyo waqtiga loo dajiyay.

Guddoomiyaha Midowga Afrika ee Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Ammaanka Amb. Bankole Adeoye ayaa horay ula kulmay Madaxweynaha Ra’iisul Wasaaraha iyo Xubno kamid ah Golaha Wasiirada, isaga oo ugu dambeyn Maanta soo geba-gabeeyay booqashadiisii Soomaaliya.

Si kastaba, arrimahan oo dhan ayaa kusoo aadaya, xilli haatan lagu jiro xaalad kala guur ah oo ka dhalatay daaha doorashooyinka dalka, oo dhowr jeer dib u dhacyo ku yimaadeen.