Sawirro: Rooble oo kulan xasaasi ah la yeeshay taliyeyaasha DF iyo kuwa Amisom

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xasaasi ah la yeeshay taliyeyaasha hay’adaha ammaanka dalka iyo ciidammada AMISOM, kaasi oo looga hadlay amaanka guud ee dalka.

Kulanka ayaa si gaar ah diirada loogu saaray adkeynta amniga guud ee dalka, gaar ahaana midka caasimada Muqdisho oo toddobaadyadii dambe faraha kasii baxayay.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray hay’adaha amniga inay xoogga saaran dardar-gelin howl-gallada ka dhanka ah argagixisida ee guud ahaan gobollada dalka.

Sidoo kale waxa uu Ra’iisul Wasaaraha ku adkeeyay hay’addaha amaanka dalka iyo ciidamada AMISOM iyo in si gaar ah loo adkeeyo amniga caasimadda, oo lagu qabanayo doorashooyinka guddoonnada Labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidan oo kale 16-kii Febraayo isugu yeeray hay’adaha amniga dalka, kadib falal argagixiso oo xiligaas argagixisadu ka geysteen qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.

Kulamadan ayaa kusoo aadaya xili ay dalka kasii socoto doorashada Golaha Shacabka oo dhawaan muddo kordhin u sameeyen guddiga wadatashiga qaranka ah, taasi oo ku eeg 15 Maarso 2022.