DF oo shaacisay inay dishay sarkaal ka tirsan Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay howl-gal qorsheysan oo ciidamada Xoogga dalka saacadihii lasoo dhaafay ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Qoraal kasoo baxay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan taliska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu sheegay in howl-galkaasi lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kaas oo magaciisa lagu soo koobay Xuseen Ganey.

Saraakiisha milatariga Soomaaliya waxa ay sheegeen in sarkaalka la dilay uu Al-Shabaab u qaabilsanaa dhinaca warbaahinta, kana qeyb qaatay weerarkii ka dhacay Awdheegle.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howl-galkaasi lagu dhaawacay illaa 15 dagaalyahan oo la socday sarkaalkaasi, kuwaas qaarkood u dhintay dhaawacyadii gaaray.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howl-galkaasi ay guula ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Labadii maalin ee u dambeysay ayaa waxaa gobolka Shabeelaha Hoose ka jiray dhaq-dhaqaaqyo xoogan iyo dagaallo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kooxda Al-Shabaab.