Arrinta ‘ay ku kala duwan yihiin’ Cabdirashiid Janan iyo Sheekh Mukhtaar Roobow

Muktaar Roobow wuxuu isku soo dhiibay qadiyad qaran halka Cabdirashiid Janan isku dhiibay qadiyad qabiil,  labadoodaba waxay isku yihiin ex reer Alta Juba. Hase ahaatee waxay ku kala duwan yihiin qadiyada, wadaniyada iyo arrimaha afkaarta dowliga.

Mukhtaar Rooboow, wuxuu waayihii danbe la daagalamay argagixisada Al-Shabaab, halka Cabdrashiid Janan dagaalkiisa ku wajahnaa qabiilooyin iyo reero jifooyinkiisa.

Mukhtaar wuxuu leeyahay ciidan xoog leh oo ammaanka Koonfur Galbeed door weyn ku leh iyo la dagaalanka argixisada, halka Cabdirashiid Janan maliishiyadikiisa halis ku yihiin deganaanshaha iyo xasiloonida Jubaland, gaar ahaan gobolke Gedo.

Cabdirashiid Janan hadda, waxaa lagu howlgelinayaa ka taqluusida Axmed Madoobe iyo qalalaase siyaadasadeed iyo mid amni inuu ka dhex sameeyo Jubaland.

Sida dad badan iyo kooxaha mucaaradka aaminsan yihiin, Farmaajo xukunka wuxuu u joogaa aargoosi iyo inuu ka shaqeeyo awood siinta beeshiisa si ay gacan ugu dhigi lahaayeen gobolaada Jubbooyinka.

Dad badan ayaa aaminsan in Farmaajo naqshadaasi u sameystay sidii uu meesha uga saari lahaa Axmed Maxamed Islaam oo isna deegaanada Kismaayo usoo daabulay maliishiyaad Soomaali Galbeed ee lagu howlgelinaayo awood siinta beeshiisa.

Xubnaha ugu muhiinsan maliishiyaadkiisa waxaa ka mid ah ciidankii Cabdi Iley ee tacadiyada ka geystay Soomaali Galbeed iyo jeel ogaadeen.

Mudane Farmaajo wuxuu kusoo barbaaray naas-nuujintii Jaalle Siyaad, Mareykankana wuxuu ku tegay eex huwan hab qabali ah. Ilaa hadda fikriyan xor kama ahan la weynaantii Jaalle Siyaad.

Janan iyo Roobow waxay ku kala duwan yihiin kaliya in mid ku qabiil yahay madaxweyne Farmaajo, oo u dantiisa kala shaqeynayo, halka midka kalena uusan aheyn kana aragti duwan yihiin, waana taas sababta midna xor u yahay oo loo cafiyey midna weli u xiran yahay.

Ali Muhiyaddiin
London, UK

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid