DF oo shaacisay natiijada Imtixaanka shahaadiga ah iyo ardayda Muqdisho oo ku hoobtay + Kaalimaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ayaa goordhoweyd si rasmi ah u shaacisay natiijada imtixaanka shahaadiga fasalka 12-aad ee sanad-dugsiyeedka 2020-2021-ka iyo ardeyda ka galay kaalmaha hore.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in tirada ardayda imtixaanka sannadkan u fariisatay ay tahay 34,908 arday oo ku galay 122 xarumood oo ku kala yaalla gobolka Banaadir iyo dowlad goboleedyada.

Natiijada lasoo bandhigay ayaa waxaa gudbay 30,262 arday oo ka tirada boqoleyda ka noqoneysa 87%, halka ay ku dhaceen imtixaanka 4,646 oo tirada guud ee boqoleyda ka noqoneysa 13%.

Sida ku xusan War-saxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda 4,646 arday ee Haray waxay 1,881 yihiin gabdho, halka 2,765 ay yihiin Wiilal, waxayna badankooda ka dhaceen gobolka Banaadir.

Shaxda Natiijada imtixaanka ayaa muujinaysa in tirada ugu badan ee gudubtay iyo kuwa dhacay ay yihiin gobolka Banaadir oo asagu hogaanka u haya tirada ardeyda gashay imtixaanka shahaadiga.

Gobolka Banaadir, oo sidoo kale sanadkii hore ay arday badan kaga hareen imitixaanka, ayaa sidoo kale waxaa sanadkan ku dhacay 4,382 oo ka mid ah 26,031 arday oo imtixaanka gashay, ama 16.8%.

Dhammaan maamul goboleedyada kale ayaa waxaa kasoo baxay natiijooyin aad u wanaagsan, waxaana gudbay inta badan ardaydii gashay imtixaanka.

Maamulka Galmudug ayaa ahaa kii ugu wanaagsanaa, ayada oo ay ka hareen kaliya 2 arday oo ka mid ah 2,302 oo gashay. Jubaland waxaa gudbay 1,155 oo ka mid ah 1,158, waxaa haray kaliya saddex. HirShabelle, waxaa ka haray 8, waxaana gudbay 1,619, halka Koonfur Galbeed ay gudbeen 3,539 ka mid ah 3,790.

“Wasaaraddu waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa ardayda gashay 10-ka Kaalin ee hore, islamarkaana waxay si rasmi ah ugu ballan-qaadaysa deeq waxbarasho heer jaamacadeed ah. Sidaas oo kale ayey hambalyo iyo bogaadin u diraysaa 30-ka dugsi ee ugu heerka sarreeya,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Wasaaradda.

Ugu dambeyntiina Wasaaradda ayaa shaacisay 16-ka arday ee ayagu galay 10-ka kaalmood ee u horeeyay dalka oo dhan, kuwaasi oo magacdooda aad hoos ka arki doonto.