DF oo shaacisay tirada Al-Shabaab looga dilay dagaal maanta lagu xoreeyey labo deegaan

Camaara (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda, kuwa Galmudug iyo geesiyaasha deegaanka ayaa maanta Khawaarijta Al-Shabaab kala wareegay deegaanka Gaaday oo dhaca bariga magaalada Camaara ee gobolka Mudug.

Ciidamada ayaa u sii gudbay deegaanka Shabeelow oo Al-Shabaab u ahaa fariisin muhiim ah, waxaana ciidamada u suurta gashay inay kooxda ka xoreeyaan deegaanadaas, inkastoo iska cabin ay kala kulmeen.

Howlgalkaas waxay ciidanku ku dileen 25 dagaalame oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab, iyadoo lagu burburiyay gaadiid iyo saldhigyo ay halkaas ku lahaayeen, sida lagu shaaciyey war ka soo baxay dowladda.

Dhinaca kale, ciidanka qaranka iyo kuwa deegaanka ayaa hawlgallo lagu baacsaday Al-Shabaab ka fuliyay deegaannada Kuridhi iyo Qoriley oo dhaca galbeedka magaalada Camaara.

Camaara oo ah magaalo weyn waxaa ku hareereysan dhowr tuulo, kuwaas oo weli lagu baacsanayo kooxda Al-Shabaab oo maalin ka hor laga xoreeyey Camaara, magaaladaas waxaa la xaqiijiyey in hal qoys uusan ka qaxin.

Ciidamada ka dagaalamaya koonfurta gobolka Mudug ayaa caawa kaabiga ku haya deegaanka Caad oo ka mid ah magaalooyinka muhiimka ah ee Shabaab ay weli kaga harsan yihiin gobolkaas.

Beelaha Saleebaan, Sacad iyo Saruur ee Habargidir iyo beesha Surre ayaa ku bahoobay dagaalkaas, si ay deegaanadooda uga xoreystaan Khawaarijta Al-Shabaab, dowladda Soomaaliya ayaa beelahaas kacdoomay u dirtay ciidan iyo masuuliyiin qaran.

Maalmihii lasoo dhaafay ciidamada xoogga iyo kuwa deegaanka ayaa wacdare ka dhigay gobolka Mudug, deegaano aan abid Shabaab laga saarin intii ay jireen ayaa laga faro-maroojiyey kooxda, waxaana lagu sii bacsanayaa dhulka howdka ah.

Maalmaha soo socda waxaa lagu taamayaa in dhamaan koonfurta gobolka Mudug laga wada xoreeyo kooxda Al-Shabaab, si ay u fududaato in Galgaduud laga xoreeyo kooxda, Galgaduud waxay ka joogaan magaalooyin ay ugu horeyso Ceelbuur, waana halka lagu soo gabagabey doono Shabaab-ka ka dagaalama Galmudug.