DF oo shaacisay tirada arday ay kasoo badbaadisay dagaalka SUDAN oo dal kale la geeyey

Khartoum (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay inay dalka Itoobiya u daad gureysay tiro ka mid ah ardaydii Soomaaliyeed ee wax ka baraneysay Jaamacadaha dalka Suudaan, kuwaas oo ku xayirnaa qeybo ka mid ah dagaaal oo cagaha la galay dagaalo sokeeye.

Arrinta ardaydaas waxaa xog cusub ka bixiyey Danjire Cabdiraxmaan Diinaari oo ah isku xiraha guddiga ay dowladdu u xil saartay u gurmashada ardayda Soomaaliyeed ee ku sugan dalka suudaan, anha ku simaha xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Diinaari ayaa sheegay inay si rasmi ah u bilaabatay daad gureynta ardayda Soomaaliyeed ee ku xayirna dalka Suudaan, iyadoo ilaa hadda 50 ka mid ah ardaydaas la geeyay xuduudda dalka Suudaan uu la wadaago Itoobiya.

Wuxuu sheegay in safaaradda Soomaaliya ee Sudan ay diyaarisay gaadiidkii ardayda kale ee ku xayiran gudaha dalka Suudaan looga soo bixin lahaa goobaha ay khatarta ku wajahayaan.

Danjiraha ayaa sidoo kale xusay in maalmaha soo socda ay arday kale u gudbin doonaan gudaha dalka Itoobiya oo xuduud la leh Sudan, iyadoo kadibna loo soo qaadi doono dalka Soomaaliya.

“Anagoo ka jawaabayna go’aankii Madaxweynaha, waxaan bilaawnay inaan dalka Suudaan kasoo daad gureyno muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugna dalkaas, kuwaas oo u badan arday,” ayuu yiri.

Diinaari ayaa sidoo kale sheegay in wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ay si buuxda ugu istaagtay inay juhdi badan ku bixiso in ardayda ku xayiran dalka Suudaan laga soo saaro wadanka, maadaama ay dagaalo culus ka qarxeen.

Dagaal culus oo ay kala hoggaaminayaan saraakiishii ugu sareysay ciidamada Suudaan ayaa dalkaas ka qarxay, saacadihii u dambeeyey garabka ciidamada RSF ee uu hoggaamiyo Jeneraal Xamdaan ayaa oggolaaday xabbad-joojin 72 saacadood ah.

Maanta oo Jimco aheyd waxaa magaalada caasimadda ah ee Khartoum ka dhacay qaraxyo iyo duqeymo culus, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay ciidanka iyo taliyaha guud ee ciidanka, General Abdel Fattah al-Burhan.