Ra’iisul Wasaare ku xigeenkii Ingiriiska oo sabab yaab leh isku casilay

London (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka Britian Dominic Raab ayaa iska casilay xilkii uu hayey, kadib markii baaritaan lagu sameeyey, kaas oo la xariira habka uu ula dhaqmay dadka la shaqeeya.

Warqadda is-casilaadda oo galabta la soo dhigay barta Twitter-ka ee ra’iisal wasaare ku xigeen Dominic ayuu ku caddeeyey is-casilaadaan.

Waxaa la sheegay in is-casilaadaan ay daba socoto baaritaan la xiriiray cago-juglayn la sheegay in shaqaalaha xafiiskiisa qaar uu kula kacay.

Ninkaan ayaa horay u balan qaaday inuu is casili doono, hadii ay ku soo baxaan markii la baaro kadib fadeexadda lagu eedeeyey, isagoo sheegay inuu aaminsan yahay muhiimadda ay leedahay inuu erayadiisa ilaaliyo.

Is-casilaada masuulkaan ayaa noqoneysa mid kamid ah fadeexadihii ugu dambeeyey ee la soo gudboonaata mid ka mid ah wasiirrada ugu sareeya Xukuumadda UK.

Dominic Raab ayaa noqonaya wasiirkii seddaxaad oo shaqada uga tegay habdhaqankiisa shaqsiga ah, kadib markii ay ka soo dacwoodeen xubno ay ula dhaqmeen si ka baxsan habdhaqanka shaqada.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa Ra’iisul Wasaaraha UK u cadeeyey inuu qaatay go’aanka shaqo ka tegidda, ka hor inta aan la shaacin natiijada baaritaankii lagu sameeyey fadeexadda lagu eedeeyey Dominic Raab.

Arrinkaan ayaa dib u dhac ku keenaya doorashada xisbiga muxaafidka, waxaana laga cabsi qabaa in guul darro weyn ay ku muteystaan.

Dominic Raab ayaa warqadii uu isku casilay wuxuu ku cadeeyey in isagu uu dalbay in baaritaan la sameeyo, isagoo xiligaas balan-qaaday in hadii lagu helo dembi cagajugleyn ah uu is-casili doono.

“Waxaan aaminsanahay inay muhiim tahay inaan qowlkeyga ka rumeeyo,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenkii is casilay ee dalka Ingiriiska.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha dalkaas aqbalay warqadda is-casilaadda ah ayaa sheegay inuu ka xunyahay arrinkaan, balse ay muhiim tahay in anshaxa wasiirradiisa uu gaarsiisnaado heerka ugu sareeya.