Sawirro: Ciidanka Jubaland oo ka hor tegay weerar culus oo Shabaab u qorsheeyeen Afmadow

Afmadow (caasimada Online) – Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ee fadhigoodu yahay degmada Afmadow ayaa maanta ka hor tegay weerar ay Al-Shabaab qorsheynayeen inay ku qaadaan degmadaas.

Ciidanka oo ka howlagalay fashilinta abaabulka weerar ee Al-Shabaab ayaa howlgallo lagu baacsanayo kooxdaas ka fuliyey dhul howd ah oo u dhow Afmadow, waxayna ku guuleysteen inay ka hor tegaan qorshihii ay kooxdu la damacsaneyd degmada Afmadow.

Taliyaha ciidanka daraawiishta Jubbaland ee degmada Afmadow G/Dhexe Mahad Maxamed Islaam oo hoggaaminayay howlgalkan ayaa sheegay in kooxdii is baabuleysay ee Shabaab ay kala carareen markii ay ka war heleen in ciidanka Jubbaland ay ku soo wajahan yihiin.

Wararku waxay sheegayaan in maanta oo maalin farxadeed aheyd ay kooxdu qorsheyneysay inay weerar arbushaad ah ku qaado Afmadow oo saldhig u ah ciidamo badan oo Jubbaland ay geysay.

Dhawaan madaxweynaha Jubbaland ayaa booqday Afmadow oo muhiim u ah gulufka dagaal ee Jubbaland ay ku wajaheyso kooxda Al-Shabaab, isla markaana la qorsheynayo in kooxda looga saaro deegaanada ay ka joogaan Jubbaland.

Al-Shabaab waxay Jubbaland ka joogaan dhul baaxad leh, waxaana halka maamul oo gobol buuxa ay ka xukumaan Al-Shabaab, gobolkaas waa Jubbada Dhexe.

Sidoo kale waxaa xusid mudan in seddaxda gobolka ee Jubbaland la isku yiraahdo, ay labada gobo lee kale mid-ba qeyb ka joogaan, markii laga reebo Jubbada Dhexe oo ay wada xukumaan.

Marar badan waxaa madaxweynaha maamulkas lagu eedeeyey inuu ka caga jidayo in kooxda laga xoreeyo dhulka baaxadda leh oo Jubbaland ay ka joogaan, waxayna kooxdu si lamid ah gobollada kale weerarro culus ka fulisaa deegaanada Jubbaland.