Ruushka oo si khaldan u duqeeyey magaalo ku taal dalkiisa

Moscow (Caasimada Online) – Ruushka ayaa sheegay in mid ka mida diyaaradohoodu inay duqaysay magaalo ku taalla Ruushka oo aan ka fogayn xuduudda dalkaasi uu la wadaago Ukraine, iyada oo duqayntaasi ay ku dhaawacmeen laba qof, halka ay cabsi badan ku abuurtay dadka deegaanka.

Milateriga Ruushka ayaa qirtay in mid ka mida diyaaradahoodu inay si khaldan ugu tuurtay bamka, magaalada Belgorod, oo ay ku nool yihiin illaa 340,000 qof, una jirta xuduuda Ukraine illaa 40 KM. Ruushka ayaa hore weerarkan ugu eedeeyey ciidamada Ukraine.

Qaraxa ka dhashay weerarkan oo la maqlay xilli dambe oo Khamiistii ah ayaa aad uga xoog badnaa, qaraxyadii ay hore u maqli jireen shacabka ku nool Belgorod. Goobjoogayaal ayaa sheegay in awoodda qaraxan ay ruxday dhismayasha dhaadheer, qaarkoodna ay muraayadaha daaqaduhu ka daateen.

Waxyar ka dib weerarkaas, ayaa falanqeeyayaasha Ruushka iyo kooxaha wax ka qora arrimaha milaterigu waxay bilaabeen aragtiyo la xidhiidha nooca hubka ee Ukraine ay u isticmaashay weerarkaasi, iyaga oo qaar badan oo ka mid ahi ay soo jeediyeen in Ukraine lagu ciqaabo falkan ay ku kacday.

Hase ahaatee saacad ka dib, waxaa wasaaradda difaaca ee Ruushku ay qiratay in hubka sababay qaraxaasi inuu si aan ku talo gal ahayn uga dhacay mid ka mida diyaaradohooda. wasaaradda difaacu ma bixinin faahfaahin intaas ka badan, hase ahaatee waxaa khubarada milaterigu ay sheegayaan in hubkaasi uu yahay bam awooddiisu gaadhayso illaa 500 Kilogram.

VOA + AP