NISA oo fulisay howl-gal lagu laayey Shabaab badan

Muqdisho (Caasimada Online) – Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA ayaa shaacisay in ugu yaraan 20 Shabaab ah oo isugu jiray saraakiil iyo maleeshiyaad lagu dilay howlgal ciidanka NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamka ay ka fuliyeen gobolka Shabeellada Hoose.

Howl-galkaas ayaa ka dhacay inta u dhaxaysa deegaanada Ugunji iyo Mubaarka ee gobalka Shabeellaha Hoose, waxaana lagu dilay in ka badan 20 xubmood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, sida lagu sheegay warkaan, xubnaha la dilay waxay isugu jireen “horjoogeyaal iyo maleeshiyaad waxaana sidoo kale lagu dhaawacay tiro intaas ka badan.”

Howlgalkaan ayaa dhacay habeenkii Khamiista oo taariikhduna ahayd 20-kii bisha, wuxuuna Shabaab-ka la beegsaday ku howlgalkanaa abaabulka qorshe weerar oo ka socday dhulka hawd ah ee aagga u dhaxeeya labadaas deegaan.

“Sirdoonka Qaranka oo helay xogtooda ayaan iyaga oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah waxay ka hortageen dhagarta ay la damacsanaayeen shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay NISA.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray “Marka laga yimaado maleeshiyaadka Khawaarijta ah ee la laayay waxaa kale oo jira maleeshiyaad kale oo baxsad ah, kuwaasi oo lagu daba jiro.”

Ugu dambeyntii qoraalka NISA waxaa lagu yiri, “Howlgalka aan dalkeena iyo dadkeena uga xorreynayno Khawaarijta ma joogsan doono ilaa iyo inta taako ka mid ah dhulkeena ay joogaan Khawaarijta.”

NISA waxay qoraalkaan ugu mahadcelisay shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka ee kala shaqeeya dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Howlgalkaan ay shaacisay NISA in lagu dilay Shabaab-ka ayaa la aaminsan yahay in loo adeegsaday duqeyn, in kastoo aan lagu shaacin qoraalkaan cir iyo dhul dhanka laga weeraray kooxda.