DF oo shaacisay tirada ciidamada ATMIS ee bishan JUNE laga saarayo Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay tirada u horreeysay ee ciidanka ATMIS ee laga saarayo dalka, taasi oo qeyb ka qorshaha dhimista tirada ciidamada shisheeye.

Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya oo war kasoo saartay arrintaan ayaa xaqiijisay in dowladda ay ka go’an tahay inay mas’uuliyadda amniga kala wareegto ATMIS.

Wasaaradda ayaa shaacisay in 2000 oo kamid ah ciidamada ATMIS ee ku sugan gudaha dalka, laga saari doono Soomaaliya marka la gaaro dhamaadka bishaan June ee 2023-ka.

“Dhowrkii bilood ee la soo dhaafay waxaa abuurnay ciidamo taageero ka helaya saaxiibadda caalamiga ah, kuwaas oo la wareegi doona mas’uuliyadda amniga 2000 oo kamid ah ciidamada ATMIS ah, kuwaas oo waajibaadkooda wareejin doona dhammaadka Juun 2023.”

Dowladda ayaa sidoo kale waxay sheegtay inay raaceyso oo ay meel-marinayo qaraar kasoo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaasi oo dhigaya in la yareeyo tirada ciidamada ATMIS ee ku sugan gudaha Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa waxay magacawday koox farsamo oo isku dhaf ah oo ka kooban ATMIS iyo xafiiska taageerada QM ee Soomaaliya (UNSOS), kuwaasi oo kormeeri doona dhaqan-gelinta bixitaanka ATMIS.

Si kastaba, tayada ciidamada dowladda federaalka ayaa kusoo baxday howl-galada millateri ee ka billowda gobollada dalka, taasi oo muujisay in ciidamada Soomaalida ay isku filan yihiin haddii laga taageero waxyaabaha muhiimka ah.