Donald TRUMP oo lagu soo oogay dacwad xasaasi ah

New York (Caasimada Online) – Xeerbeegti heer federaal ah oo ku sugan gobolka Florida ayaa Khamiistii ku soo oogtay madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump dacwad la xiriirta inuu gurigisa u qaatay sir qaran oo xasaasi ah, kadib markii uu ka tagay Aqalka Cad.

Waaxda Cadaaladda ayaa ku wargelisay Trump in dacwad lagu soo oogay, waxayna ka codsatay inuu kasoo muuqdo maxkamaddii ugu horreysay ee Miami maalinta Talaadada ah, sida uu madaxweynihii hore ku xaqiijiyay bartiisa bulshada.

“Maamulka Biden ee musuqmaasuqa ah ayaa ku wargeliyay qareennadayda in la igu soo oogay dacwad la xiriirta sanaadiiqdii been abuurka ahaa,” ayuu Trump ku qoray bartiisa shabakadda Truth, isaga oo tilmaamaya sanduuqyo dukumeenti ah oo FBI-du ay ka qabatay gurigiisa ku yaalla Florida bishii Agoosto ee lasoo dhaafay.

Eedeyntan ayaa ah mid aan weli la faah-faahin, balse toddobo kamid ah warbaahinta Mareykanka oo soo xiganaya ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in ay ku jiraan dambiyo kala duwan.

Eedeynta ayaa Trump ka dhigaysa madaxweynihii ugu horreeyay ee hore ee maxkamad federaal ah dacwaddiisa loo diro.

Baaritaankii FBI-da ee gurga Trump ee Mar-a-Lago ee bishii Agoosto ee la soo dhaafay ayaa horseeday in laga helo inka badan 100 dukumeenti sir ah.

Isha: VOA