DF oo shaqaalaysiisay Sheekh Keenyaawi (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaqaalaysiisay Wadaadka sida wayn u taageera ee Sheekh Maxamed Ibraahim Keenyaawi, kaas oo mudooyinkii ugu dambeeyay kulamo la qaadanayay Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Kenyaawi oo noqday taageero wayn oo difaaca Xukuumadda Soomaaliya ayaa laga shaqaalaysiiyay Wasaaradda Arimaha Diinta iyo Awqaafta ee Xukuumadda Soomaaliya kadib markii uu wasiirka amray Raysal Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Kenyaawi ayaa la-taliye sare u noqon doona wasaaradda, wuxuuna sidoo kale ka tirsanaan qeybta wacyi-gelinta. Shaqadan ayaa u saamaxeysa in xitaa uu sii wato haddii uusan joogin dalka oo uu ku laabto Nairobi.

Sheekh Keenyaawi oo markiisii hore ahaa wadaad taageero wayn ku dhax leh shacabka Soomaaliyeed ayaa markii uu dalka dib ugu soo laabtay qabtay isu soo bax diimeed oo ciwaankiisa ahaa “CAFI WALAALKAA”, balse wixii markaas ka dambeeyay ayaa gala-gal sameeyay Xukuumadda waxayna saameyntiisa ugu faa’ideestayn in ay u adeegsadaan ka hortagga weerarada uga imaanaya Siyaasiinta mucaaradka ku ah Xukuumadda Soomaaliya.

Maalmo ka hor ayuu si xun u weeraray una aflagaadeeyay Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya kuwaas oo ka cabanayay mushaar la’aan iyo daryeel xumo. Sheekh Keenyaawi ayaa Ciidanka cabanaya ku tilmaamay doqomo iyo xayaawno aan dulqaad laheyn.

Waxa uu ku yiri “Boqol dollar oo idinka soo daahay ma wax la sheegaa” inkasta oo ay jirto boqolka dollar ay qoysas dhan noloshooda ku tiirsan tahay.

Waxa uu sidoo kale cambaareeyey mucaaradka dowladda Soomaaliya ee qoraallada ka dhanka ah dowladda soo dhiga baraha bulshada, kuwaas oo uu ku tilmaamay “shayaadiin”.

Hoos ka daawo muuqaalkaas

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com