DF oo sheegtay in shacabka ku sugan deegaanada Al-Shabaab ay afduuban yihiin

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha xukuumada Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo Dhuusamareeb ku sugan ayaa ka qayb-galay kulan looga hadlayay dardar-gelinta howlgallada xoreynta ee haatan ka socda gobollada Galgaduud iyo Mudug.

Fiqi ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan Al-Shabaab, isaga oo sheegay in ay u afduuban yihiin shacabka deegaanada ay joogaan iyo sidoo kale xubnaha u dagaalama.

Wasiirka aytaa carabka ku goday in dadkaas aysan xor aheyn, isla-markaana si qasab ah loogu hayo deegaanadaasi, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale xubnaha u dagaalama wuxuu tilmaamay inay u badan yihiin carruur laga soo afduubay gobollo fog-fog, isla-markaana la geeyo deegaan iyo meel aysan garaneyn.

“Dadka way afduuban yihiin horta, Shabaabka dagaalamayana way afduuban yihiin moobeelka ehelkiisa kulama hadli karo ma yaqaan meesha uu joogo waa canug yar oo laga soo afduubay gobollo-fog fog” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha xukuumada Soomaaliya.

Wuxuu sii raaciyay “Nimankan marka waa niman afduuban oo dad ay u afduuban yihiin, 4 illaa 5 qof ayaana go’aanka iska leh,”.

Wasiir Axmed Macallin Fiqi oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in Shabaab laga adkaaday, muhiimadana ay tahay in laga tashado mustaqbalka deegaanada la xoreeyay.

“Nimankaas hadda waqtigooda waa dhammaad aniga waxa ay ila tahay inaan ka hadalno maxaan sameyneynaa, haddii dhulkii la xoreeyo?” ayuu mar kale yiri Wasiirku.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli howlgallo xoreyn ah ay ka socdaan dalka, waxaana haatan xoogooda laga dareemayaa deegaanada HirShabelle iyo Galmudug.