Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in lama huraan tahay in deg-deg la helo lacag dhan 1.42 bilyan oo dollar, si wax looga qabto xaaladda abaareed ee dalka oo haatan kasii dartay.
Dowladda Soomaaliya ayaa arrintan uga dhowaaqwday shirka daah-furka qorshaha ka jawaabista baahida bini’aadannimo ee Soomaaliya ee sanadka 2025, kaasi oo ay wada-jir u guddoomiyeen guddoomiyaha hay’adda maaraynta musiibooyinka (SODMA) Maxamuud Macallin Cabdulle iyo ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay George Conway.
Shirkaan oo diiradda lagu saaray xaaladaha bani’aadannimo ee dalka ayaa lagu xusay in dad gaaraya 5.98 milyan oo qof oo Soomaali ah ay u baahan yihiin gargaar deg-deg ah, taasoo lama huraan ka dhigeysa in la helo lacag dhan 1.42 bilyan oo dollar si loo gaaro dad ku dhow 4.57 milyan oo ruux oo abaaraha iyo colaaduhu saameeyeen.
Shirka waxaa kasoo qayb galay madax ka socota hay’adaha caalamiga ah, qaar kamid ah wasiirrada dowlad goboleedyada iyo dallada ururrada NGO-yada ee Soomaaliya, si loo helo jawaab-celin isku-dhafan iyo u gurmashada dadka nugul ee haweenka, carruurta, waayeelka, naafada iyo dadka la heeb sooco ugu horreeyaan.
Horey, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday xaalad deg-deg ah, kadib markii ay kasii dartay marxalada abaareed ee dalka, uuna baaqday xilli roobaadkii dayrta ee la filayay bilihii September, October iyo November.
Sida ay muujinayaan warbixinnadii u danbeeyay in ka badan 5.98 milyan oo qof ayaa hadda u baahan gargaar bani’aadannimo iyo garab istaag deg-deg ahm halka 3.2 million oo dadkaas nugul kamid ah ay wajahayaan xaalad halis ah, ku dhawaad 200,000 oo qof ayaa abaarta awgeed kaga barakacay guryahoodii si ay nolol u raadsadaan, halka 1.4 milyan oo xoolo ah ay abaaruhu galaafteen, sida uu shaaciyay guddoomiyaha SODMA.
Dadkan ayaa weli u baahan ka-war-qab iyo gacan-qabad bani’aadannimo, iyadoo 1.42 bilyan oo dollar loo baahan yahay si wax looga qabto abaarta oo saameysay in ka badan 13 gobol oo ka mid ah 18-ka gobol ee dalka.