DF oo shuruud lama filaan ah ku xirtay inay mashaariic ka fuliso maamul goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa markii u horeysay shaaciyay in dowladda federaalka Soomaaliya ay mashaariic ka fulineyso deegaanada ku yaalla gobolada dalka ee dadka degan ay iska xoreeyaan Al-Shabaab.

Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale sheegay in bulshada ku nool gobolka Hiiraan iyo guud ahaan Soomaaliya looga baahan yahay inay tartan u galaan sidii dagaal looga qaadi lahaa ururka Al-Shabaab.

“Al-Shabaab waxay dileen dadkii hogaanka iyo hal doorka u ahaa dadka ku nool gobolka Hiiraan, hase yeeshee hadda waxa haysataan fursad aad ugu aar-gudaan mas’uuliyiintii ay idinka dileen Al-Shabaab,” ayuu yiri.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dadkii deegaanadooda ka saaray dowladda Soomaaliya ay ka bilaabi doonto adeegyada caafimaadka iyo wixii kale oo ay u baahan yihiin.

Hadalka Wasiir Fiqi ayaa imanaya xili deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan ay ka socdaan howl-galo ka dhan ah ururka Al-Shabaab, kuwaasi oo ay si wada-jir ah u wadaan ciidamo deegaanka ah oo is abaabulay iyo kuwa dowladda.

Dhaq-dhaqaaqyada culus ee ka dhanka ah argagixisada ayaa sidoo kale waxa looga qabsaday deegaano dhowr ah, kuwaasi oo ay hadda ku sugan yihiin ciidamada dowladda, waxaana la rumeysan yahay in guusha ciidanka ay soo dadajisay ka qeyb qaadashada dadka deegaanka oo ay ka go’an tahay iska dhicinta cadawga.