Diyaaradaha Itoobiya oo duqeeyey caasimada Tigray iyo dagaalka oo sii xoogaystay

Mekele (Caasimada Online) – Afar qof oo ay ku jiraan laba caruur ah ayaa Jimcaha maanta ah lagu dilay duqeyn cirka ah oo diyaaradaha Itoobiya ay ka fuliyeen caasimadda gobolka Tigray, waxaa sidaas sheegay sarkaal caafimaad.

Dowladda Itoobiya waa ay beenisay sheegashada mucaaradka ee ah inay beegsatay shacabka ku sugan gobolka ay haystaan mucaaradka.

Wararka ku saabsan duqeynta Mekele ayaa yimid maalmo kadib markii uu dib u billowday dagaalka dhulka ee dowladda iyo mucaaradka kadib shan bilood oo hakad uu ku jiray, taasi oo soo afjartay xabad-joojintii, meeshana ka saartay rajadii wadahadallada nabadeed.

Kibrom Gebreselassie, oo ah agaasimaha caafimaad ee isbitaalka Ayder Referral Hospital ee magaalada Mekele, ayaa wakaaladda wararka AFP u sheegay in “afar qof ay meyd ahaayeen markii isbitaalka la keenay.”

“Laba ka mid ah dadka dhintay waa caruur,” ayuu yiri, isaga oo intaas ku daray in sagaal qof oo kale ay ku dhawacmeen duqeynta.

Ayada oo mucaaradka Tigray ay ciidamada cirka Itoobiya ku eedeeyeen inay beegsadeen xaafado shacab iyo iskuul, dowladda ayaa sheegtay “inay beegsanayso kaliya goobo militari.”

“Jabhadda TPLF waxay billowday inay meydad been abuur ah ka buuxiso baco oo ay gayso goobaha shacabka, si ay u sheegto in ciidamada cirka ay weerareen shacab,” ayey tiri dowladda.

“Shacab ayaa dhintay oo dhaawacmay, waxaana socda howlgal gurmad,” waxaa sidaas AFP u sheegay afhayeenka TPLF Kindeya Gebrehiwot. 

Laba ilo-wareedyo bani’aadaminimo oo ku sugan Itoobiya ayaa AFP u sheegay in lagu wargeliyey duqeyn ka dhacday Mekele.

Waxyar kadib markii ay soo baxeen warbixinada ku saabsan duqeynta, dowladda ayaa ku dhowaaqday “inay qaadi doonto tallaabo” ka dhan ah TPLF, waxayna uga digtay shacabka inay ka fogaadaan bartilmaameedyada militari.