DF oo si rasmi ah u shaacisay qorshaha dib loogu howl-galinayo Somali Airlines

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa bilowday qorshe ay dib ugu howl-galineyso diyaaradii Soomaali Airlines, taasi oo muddo ku siman 30 sanno aan shaqeyn.

Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Fardowsa Osman Egal ayaa maanta magacowday guddiga dib u howl-galinta diyaaradii Soomaali Airlines.

Guddiga ayaa sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada waxay tallo bixin ku sameyn doonaan sida ugu haboon ee dib loogu howl-gelin karo diyaaradii Soomaaliya.

“Xubnahaan guddiga waxaa la farayaa inay muddo 30 cisho ah oo ka bilaabanysa taariikhda November 1-deeda illaa November 30-keeda kusoo gudbiyaan qorshe dhameystiran oo horseedaya dib u howl-gelinta shirkada Somali Airlines.”

Guddigaan oo ka kooban 7 xubnood ayaa waxay kala yihiin;

  1. Mudane Cali Gacal Gaabow (Guddoomiye)
  2. Captain Maxamed Nuur Aadan (Xubin)
  3. Captain Cabdi Guuleed Maxamed (Xubin)
  4. Axmed Macallin Xasan (Xubin)
  5. Captain Caydaruus Axmed Kaahiye (Xubin)
  6. Cabdi Maxamed Maxamuud (Xubin)
  7. Cabdirisaaq Aadan Geedi (Secretary)

Dib u howl-galinta diyaaradii Soomaali Airlines ayaa Soomaaliya uga dhigan guul wayn, iyadoona muddo ku siman Soddan sano ay howlgab ahayd diyaaradu, taasi oo meesha ay ka saareen dagaaladii sokeeye ee ka qarxay dalka