Daawo: Weerarkii Kismaayo oo lasoo afjaray iyo Jubaland oo shaacisay khasaare culus

Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa lasoo afjaray weerarkii ka socday magaalada Kismaayo, kadib markii ay ciidanka ammaanka Jubbaland ku guuleysteen inay dilaan dhamaan xubnihii ka tirsanaa Al-Shabaab ee maanta weerarka ku qaaday Hotel lagu magacaabo Tawakal.

Wasiirka Amniga Jubbaland ayaa xaqiijiyey in la dilay seddax xubnood oo Hotelka ka dhex dagaalamaysay, waxaana weerarkaas ku geeriyooday sagaal qof, halka 42 kale ay ku dhaawacmeen, sida uu sheegay wasiirku.

Seddax dabley ah ayaa gudaha u gashay Hotelka, kadib markii uu is-miidaamiyey midkii 4-aad oo watay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey, markii laga soo baxay salaadii duhur ee maanta.

Labo ka mid ah dableydaas ayaa galabta la toogtay, waxaana hadda la xaqiijiyey in la dilay kii 3-aad oo mudo ka dhex dagaalamayey Hotelka, iyadoo la badbadiyey tobanaan qof oo nabad qabta.

Hotelka ayaa la sheegay inuu ahaa mid camiran oo ay deganaayeen masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland, odayaal dhaqan iyo dad kale oo ganacsato ah, sidoo kale waxaa la sheegay in xiliga la weeraray ay odayaal ku shirayeen.

Wasiirka Amniga Jubbaland Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) ayaa warbaahinta u fxaqiijiyey in howlgalkaas lasoo gabagabeeyey oo ciidanka Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka ay iska kaashadeen.

Hoos ka daawo