Daawo: Cali Jayte oo lacag ku bixiyey xubno Shabaab ah oo madaxooda loo keenay

Maxaas (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan ayaa maanta fagaare ku taalla degmada Maxaas ku bixiyey lacagtii uu u balan qaaday ninkii soo dila qof Shabaab ah, kadib markii loo keenay madaxa labo xubnood oo Al-Shabaab ka tirsanaa.

Cali Jayte ayaa 10,000 oo dollar ku wareejiyey askar ka tirsan guutada 5-aad qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka, ragga lacagtaan la siiyey ayaa shalay xubnahaan Shabaabka ah ku dilay degaanka Moqokori oo howlgal qorsheysan ay ka fuliyeen.

Guddoomiyaha ayaa lacagtaas meel fagaare ah ku siiyey labadii askari ee gacantooda ku toogtay xubnihii Shabaab-ka ahaa, wuxuuna askari kasta qaatay 5,000 kun oo dollar, waana balantii uu qaaday guddoomiye Cali Jeyte maalin uu ku sugnaa Yasooman.

“Qof walba oo wanaag ka shaqeya waxa uu leeyahay abaal marin iyo dalacsiin, qofkii xumaato ka shaqeeyana waxuu leeyahay ciqaab, marka askarta fulisay howlgalka ay ku soo dileen nimanka cadowga ah ee dhiiga Islaamka baneystay, waan u mahadcelinaya, wayna mudan yihiin abaal marintaan, maadaama ay soo qabteen shaqo wanaagsan,” ayuu yiri guddoomiye Jeyte.

Askari u hadlay raggii abaal-marinta la gudoonsiiyey ayaa fariin u diray xoolo dhaqatada ay baadda ka qaataan Al-Shabaab, isagoo ku dhiirageliyey inay Shabaab-ka Zakawaadka ka qaata ay soo dilaan, si loo siiyo abaal marin ka badan xoolihii ay dhaqanayeen.

“Waxaan leeyahay dadka xoolo dhaqatada ah ee maalin walba xoolahooda neef ka mid ah ay ka qaadanan Shabaab, soo dila kuwa xoolaha in ka qaadanaya, kadibna anaga noo imaada, oo lacagtaan qaata, xoolihiina oo neefba mar la qaadanayo, halkii qof ee Shabaab aad la dishaan ayaa ka lacag badan,” ayuu yiri mid ka mid ah askartii lacagta la gudoonsiiyey galabta.

Hoos ka daawo