DF Soomaaliya oo war culus kasoo saartay go’aanka ay maxkamada ICJ ka gaartay…

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu taageeray go’aanka ay Maxkamada ICJ ay ka gaartay xasuuqa ay Israel ku heyso shacabka reerka Falastiin.

Bayaanka ayaa waxaa lagu sheegay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay soo dhoweyneyso in baaritaan lagu sameeyo xasuuqa Israel ee Gaza, lagulana xisaabtamo.

“Xukunkan dhulka wuxuu calaamad u yahay tallaabo muhiim ah oo lagula xisaabtamayo tacadiyada loo geystay dadka Falastiin” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dalbaday in la qaado tallaabo deg deg ah oo lagu badbaadinayo shacabka ku go’doosan Gaza ee weli wajahaya xaaladda adag.

“Soomaaliya waxay dalbanaysaa in si deg deg ah loo fuliyo tallaabooyin ku meel gaar ah oo lagu badbaadinayo xuquuqda iyo maslaxada Falastiiniyiinta, iyadoo diiradda la saarayo xalinta falalka Israel ee rabshadaha, hoos u dhaca, iyo burburinta ku aadan jir ahaan iyo damiir ahaanba nolosha aan waxba galabsan” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka wasaaradda.

Waxaa kale oo Soomaaliya ay adkeysay in la dhaqan-geliyo xabad joojin ka hirgasha Gaza, si xaaladda loo qooboojiso, loogana hortego khasaaraha soo gaaraya rayidka.

War-saxaafadeedkan ayaa waxaa sidoo kale baaq loogu diray Israel oo looga dalbaday inay joojiso xasuuqa ay ku heyso shacabka reer Falastiin.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ugu baaqeysaa Israa’iil in ay joojiso dhammaan noocyada tacadiyada arxan darada ah ee Falastiiniyiinta, ayna u hoggaansamaan tallaabooyinka ka soo baxay go’aanka ICJ” ayaa la sii raaciyay bayaanka.

Ugu dambeyn dowladda federaalka ayaa shaaca ka qaaday inay garab taagan tahay shacabka Falastiin, waxayna sii wadi doontaa nabadda, cadaaladda iyo xaqiijinta

Maxkamada ICJ ayaa jimcihii shalay aheyd soo saartay go’aan ah in Israel ay qaado dhammaan tilaabooyinka lagu joojinayo xasuuqa shacabka Falastiin ee ku nool Gaza.