KENYA oo soo fara-gelisay xiisadda dastuurka Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay xiisadda ka dhalatay wax ka beddelka dastuurka KMG ka ah ee Soomaaliya.

Wasiirka difaaca ee dalka Kenya, Aadan Barre Ducaale oo soo farogeliyay arrintan ayaa caleema saarkii madaxweynaha maamul goboleedka Puntland ka sheegay in loo baahan yahay in la dhameystiro dastuurka, si looga gudbo caqabada haatan ka jira gudaha dalka.

Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay in xilligii ololaha doorashada uu si dhow ula socday khudbadaha ay jeediyeen musharrixiinta, ayna dhamaantood ballan qaadeen dhameystirka dastuurka, isaga oo haatan su’aal ka keenay sababaha ku diidan yihiin in wax laga beddelo.

“Arrimihii la sheegay xilligii doorashada waxaa kamid ahaa oo ku kastaa uu yiri haddii la’i doorto dastuurka waan dhammeynayaa waqtigeyga” ayuu yiri Aadan Barre Ducaale.

Sidoo kale wuxuu farriin culus u diray madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay in laga wada shaqeeyo danaha guud iyo midnimada.

“Aan isku dulqaadano aan midowno aa noqono dad dalkooda iyo diintooda u hiiliyo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan dood xoogan ay ka taagan dastuurka Soomaaliya, kadib markii baarlamaanka uu ansixiyay habraaca wax looga beddelayo.

Mucaaradka iyo Puntland ayaa si weyn u diiday in haatan la furo dastuurka, inkastoo Villa Soomaaliya iyo maamul goboleedyada ay rabaan in ka guda galo wax ka beddelka.