DF oo soo saartay digniin culus – Maxaa laga cabsi qabaa?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay digniino la xiriira fatahaado horleh oo laga cabsi qabo, kuwaasi oo la filayo in ay dhacaan asbuucan.

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SODMA ayaa ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed in ay taxadaraan oo ay feejignadaan, si gaar ah shacabka ku nool gobollada Bay, Bakool, Galgaduud, Gedo iyo Jubbada Hoose.

SODMA ayaa sheegtay inay aad u sareyso suurta-galnimada in tobanka cisho ee soo socoto ay dhacaan fatahaado isugu jira kuwo ka yimaadda wabiyada iyo togaga soo rogmada.

Waxay si weyn u saameyn doonaan degmooyin ay kamid yihiin; Doolow, Luuq, Bu’aale, Jilib, Beledweyne, Bula-burde, Jalalaqsi, Mahaday, Jowhar, Balcad iyo qaar kale oo webiga uusan marin, sida ay shaacisay hay’adda SODMA.

“Degmooyin ka mid ah gobolada: Bay, Bakool, Gedo, Galgaduud, Mudug, Togdheer, Sool, Nugaal iyo Bari ayaa waxaa aad u sareeysa suurtagalnimada ah in ay fatahaado ka dhacaa ay saameeyn doonaan nolosha iyo hab-nololeedka bulshooyinka ku nool degmooyinkaas,” ayaa lagu yiri digniintan.

Hoos ka aqriso digniinta kasoo baxday SODMA

Digniin iyo tala-bixin ku aadan fatahaaddo la filayo in ay dhacaan tobanka casho ee soo socda (07 – 16 May 2024).

➤ Tobanka casho ee soo socota ee 07-da illaa 16-ka bisha May 2024-ka waxaa aad u sareeya suurta-galnimada in ay ka dhacaan fatahaado isugu jira kuwo ka yimaadda wabiyada iyo togaga soo rogmada, kuwaas oo aadka u saameeyndoona qaar ka mid ah degmooyinka dalka Sida; Doolow, Luuq, Bu’aale, Jilib, Beledweyne, Bula-burde, Jalalaqsi, Mahaday, Jowhar, Balcad iyo qaar kale oo webiga uusan marin.

➤ Degmooyin ka mid ah gobolada: Bay, Bakool, Gedo, Galgaduud, Mudug, Togdheer, Sool, Nugaal iyo Bari ayaa waxaa aad u sareeysa suurtagalnimada ah in ay fatahaado ka dhacaa ay saameeyn doonaan nolosha iyo hab-nololeedka bulshooyinka ku nool degmooyinkaas.

➤ Degmooyinka iyo gobollada kor ku xusan waxay wajihi doonaan khataro ka imankarta Fatahaada webiyada iyo daadadka ay togagu soo rogaan.

➤ Waxaa sare u soo kacaya heerka biyaha wabiyada Shabeele iyo Juba taasina waxaa sabab u ah roobabka xoogan ee ka da’aya qeybo ka mid ah dalka iyo buuralayda Ethiopia.

Xarunta ka digsta halis wadareedka ee SODMA, ayaa mar kale Bulshada Soomaaliyeed u direeysay digniino iyo talooyin si loogu feejignaado saameynta roobabka guga uu ku yeelan karo nafta iyo Hantida shacabka Soomaaliyeed.

SODMA waxeey bulshada kula talineynaa inay tixgeliyaan Digniinaha ka soo baxaya hay’adda SODMA iyo dhamaan xaaladaha ku soo cusboonaanaya arrimaha roobabka