Muxuu yahay heshiiska cusub ee XAMAAS aqbashay ayna ku gacan seyrtay ISRAEL?

Gaza (Caasimada Online) – Xamaas ayaa markii u horeysay shalay ku dhowaaqday inay aqbashay hindise xabbad-joojin ah oo Masar iyo Qatar ay soo jeediyeen.

Hase yeeshee Israa’iil ayaa diidday heshiiskaasi, kaddib marki ay sheegtay in uusan buuxin shuruudaheeda aas-aasiga ah.

Taasi baddalkeeda, Israel waxay Isniintii sheegtay in ay sii wadeyso weerar ay sheegtay in ay ku qaadi doonto magaalada Rafax ee koofurta Gaza, halkaas oo ay ku nool yihiin in ka badan 1 milyan iyo badh qaxooti iyo barakacayaal Falastiiniyiin ah.

Hindisaha xabbad-joojinta ay aqbashay Xamaas ayaa isugu jira, saddex waji oo marka la isu geeyo ah xabbad-joojin soconeysa bilooyin.

Muddadaasi ayay ciidanka Israel uga baxayaan Gaza, labada dhinac ayaa isku weydaaranaya dadka ay kala hayaan wixi nool iyo inti meyd ahba. Iyo sidoo kale dib u dhiska Marinka Gaza iyo qodobo kale.

Waxa ay Xamaas aqbalaadeeda ku dhaawqday saacado kaddib marki ay Israil ku amartay ilaa 100,000 oo Falastiiniyiin ah in ay ka baxaan xaafadaha bari ee Rafax halkaas oo ay sheegtay in ay duullaan ku qaadeyso.

Goor danbe oo Isniintii shalay ahna, Israel ayaa duqeyn ay ka fulisay xaafado ku yaalla Rafax ku dishay in ka badan shan qof.

In ka badan 34 kun oo Falastiiniyiin u badan dumar iyo carruur ay Israil ku dishay Gaza tan iyo bishii October.

Israel ayaa weerartay Gaza kaddib marki ay Xamaas 7-di October weerartay koofurta Israa’iil halkaas oo ay ku dishay boqollaal qof kuna soo afduubatay boqollaal kale.