Qorshe lagu baajinayo bixista ciidanka ATMIS oo bilowday iyo dhinacyada riixaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Midowga Afrika ayaa joogay Soomaaliya tan iyo 2007-dii. Mar waxay ku howl-gali jireen magaca AMISOM maantana magaca ATMIS.

Waxqabadkooda 17-kii sano ee Soomaaliya ay joogeen waa lagu kala aragti duwan yahay. Waxaase dhowrkii sano ee ugu dambeysay dhinaca Soomaalida ka socday dalab ah in lasoo gaba-gabeeyo howl-galkan oo ay masuuliyadda amniga la wareegaan Soomaalidu, hadda’se waxaa gobolka ka bilaabatay dood taas ka duwan.

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa dhawaan isaga oo ku sugan Aqalka Cad waxa uu sheegay in haddii ay Soomaaliya ka baxaan ciidanka ATMIS inay toos u qabsanayaan argagixisada, taasina aanay cidna faa’iido ugu jirin.

Waxa uu sheegay inay dhawaan kulmeen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayna ka wada-hadleen culeysyada amni ee jira iyo halista ka dhalan karta bixitaanka ATMIS.

William Ruto wuxuu weydiistay Mareykanka inuu soo faro-geliyo arrintan. Kenya waxay kamid tahay dalalka ololaha ugu jira inay ciidanka ATMIS sii joogaan Soomaaliya.

Sida loo qorsheeyay bixitaanka ciidanka ATMIS waxaa lagu saleeyay heshiis sanadeed ee laguma saleynin xaalado, micnaha majiro hiigsi amni oo haddii la gaaro laga maarmayo ciidankan ka socda Midowga Afrika, balse waxaa la qorsheeyay in dhamaadka 2024 ay dalka ka baxaan, waana midda keentay walaaca.

Dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto argagixisada ayaa xooga horumar ah laga sameeyay sanadkii koowaad ee xukunka labaad ee madaxweyne Xasan Sheekh, laakiin sanadkii u dambeeyay dagaallo badan ma jirin waana midda keentay doodda ku saabsan in amniga Soomaaliya uu joogo marxalad laga maarmi karo ciidanka Midowga Afrika.

Dalalka gobolka waxay ku doodayaan in haddii ay marxaladan kaga soo baxaan Soomaaliya inay dalalkooda amni ahaan saameyn doonta oo ay argagixisada soo xoogeysan doonto. Waxayna olole aan qarsooneyn ugu jiraan in arrintaas dib loo dhigo oo la sameeyo qorshe kale.

Mareykanka iyo Qaramada Midoobay ayaa la filayaa inay arrintaan soo fara-geliyaan. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu ku laabto Kenya, iyada oo ujeeddooyinka safarkiisa ay ku jirto arrinta ciidanka ATMIS.

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa weli tababar ahaan, saanad ahaan iyo dhaqaale ahaanba ku tirsan dalal shisheeye, waxaana jira walaac ku saabsan sida uu xaalka noqon karo haddii ay dalalkaas gacmaha ka laabtan.

Si walba, hadda waxaa muuqata in dood kasoo laabatay inay ciidanka ATMIS dhamaadka sanadkaan ka baxaan Soomaaliya.