Mucaaradka madaxweyne Xasan Sheekh oo sabab yaab leh u bixiyay fursad weyn

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa u dhamaatay labo sano, waxaana u hartay labo kale oo maalmo dhiman.

Dalka kama muuqdaan wax dhaq-dhaqaaq ah oo ay kursi doonka sameynayaan. Nidaamkii hore ee Farmaajo waxaa la xasuusta markii uu hal sano jiray inuu wajahayay mucaaradad xoog leh.

Madaxweynaha hadda tallada haya Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu mucaaradnimada ku bilaabay nidaamkii Farmaajo markii uu jiray hal sano iyo lix bilood. Laakiin maanta lama kulmaayo wax u dhigma intii uu falay.

Mucaaradnimada marwalba waa dheelitir dowladeed, laakiin hadda mucaaradka wax hal abuur ah ma hayaan, ma keeni karaan qaladaad wax ku ool ah oo ay dowladda ku sugan tahay, qataraha waaweyn ee ku jira heshiisyadii la galay 24-kii billood ee lasoo dhaafay iyo wax dowladda ku qasbi kara inay shaqadeed laba jibaarto, qaladaadka iska yareyso oo ay xisaabtan ku shaqeyso.

Saddex arrimood ayaa loo badinayaa sababta uu mucaaradka u dansan yahay.

1. Qeyb ka dambi badan Xasan Sheekh

Mucaaradka waxaa ku jira kooxo ka dambi badan madaxweyne Xasan Sheekh marka laga hadlayo dhibaatada lagu geystay dowladnimada.

Waxaa kamid ah kooxda uu Farmaajo hoggaamiyo. Si walba oo uu Xasan Sheekh wax u qaldo waxaa la aaminsan yahay in uusan gaareynin xadkii Farmaajo, kaasi oo loo haysto inuu isku dayay inuu dilo madaxweynayaashii hore ee dalka.

Si aad u eedeyso ninka xukunka jooga ama u toosiso waa inuu ku sugan yahay xaalad taadii ka daran, laakiin haddii uu weli ku dhaamo aamusnaanto waa dow.

2. Kuwo iska ilaalinaya dhiig-bax iyo in cid kale ka macaashto dagaalkooda

Waxaa jira xubno mucaaradka kamid ah oo aan iyaga eed badan loo haysan, awoodna u leh inay Xasan Sheekh la dhigtaan, laakiin waxaa dhexdooda taalla dood ah yaa ka faa’iidaya dagaal xooggan oo siyaasadeed oo lala galo Xasan Sheekh.

Kooxdan qaar kamid ah oo dagaalkii Farmaajo ku jiray waxay sheegayaan in aanay waxba ka faa’iidin dagaal siyaasadeedkii hore, haddana haddii ay iyagu bilaaban waxay ka walaacsan yihiin in qolo kale ay xukunka u salaxaan.

Sidaas darteed waxay eegayaan in la helo cid kale oo si fiican iskugu biimeysa Xasan Sheekh. Halkan waa la isku dhakan yahay.

3. Dadka Soomaaliyeed oo ka niyad-jabay farqi la’aanta siyaasiyiinta Soomaalida

Soomaaliya afartii sanaba shaqsiyaadka ayaa isbeddela, laakiin aragtida dowladnimada iyo jihada dalka loo wado wax badan iskama beddelaan.

Kooxo kooban oo la yaqaano ayaa isku eryada xukunka, kuwaasi oo la yaqaano aqoontooda dowladeed, itaalkooda iyo halka ay wax gaarsiin karaan.

Shacabka waxaa ka muuqda niyad-jab, waxaa laga dareemayaa inay ka daaleen qof qof ku beddelka aan waxba u kordhineynin qaranka.

Saddexdaas arrimood marka la isku geeyo waxaa muuqata inuu Xasan Sheekh oo hadda qaatay labo sano oo buuq la’aan, inuu heli karo sanad saddexaad oo uusan jirin mucaarad macno badan oo kasoo horjeeda.