Soomaaliya oo lumin karta taageerada caalamiga iyo xulafadeeda hal arrin darteed

Muqdisho (Caasimada Online) – Dalalka Carabta, gaar ahaan Sacuudiga, Imaaraadka iyo Qatar ayaa dhamaan dib uga gurtay nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh, kadib markii ay Villa Somalia heshiis baaxaddiisa weyn tahay la gashay dowladda Turkiga.

Sidoo kale Masar oo iyadu aheyd dalkii markii hore heshiiska lala gali rabay, balse looga baxay ayaa sidoo kale dib uga guratay Muqdisho.

Muddo fog ayuu soo jiray xifaaltanka dowladdaha waaweyn ee gobolka Geeska Afrika. Soomaaliya oo ku jirta dalalka aan weli isticmaalin keydka kheyraadkooda ayaa dhex taalla loolan culus oo Turkiga, dalalka Khaliijka, Mareykanka iyo dalalka Yurub u dhaxeeya.

Heshiiska Turkiga iyo Soomaaliya wuxuu banaanka keenay qeyb kamid ah loolankii qarsoona. Hadda Muqdisho waxay markale u ruqaansatay dhanka Ruushka.

Dhawaan waxay dowladda Ruushka qamadi gargaar geysay magaalada Muqdisho, kaasi oo wararka qaar ay sheegayaan in la musuqay.

Markale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhawaan Villa Somalia kula shiray Danjiraha Ruushka u fadhiya Soomaaliya Makail, kaas oo la sheegay inay iska wareysteen xaaladda Soomaaliya, midda gobolka iyo kaalinta Ruushka ee guud ahaan arrimaha gobolka.

Intaas laguma simin ee waxaa markale Safiirka Ruushka la geeyay wasaaradda gaashaandhiga Soomaaliya, halkaas oo uu ku qaabilay wasiirka wasaaradda gaashaandhiga Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Labada nin ayaa ka wada-hadlay la-dagaalanka argagixisada iyo heerka ciidamada Soomaaliya. Ruushka wuxuu kamid yahay dalalka saameynta kulahaa ciidanka Soomaaliya tan iyo 1960-kii, gaar ahaan dhinacyada; tababarada, saanada iyo hal abuurka.

In Ruushka loo furo albaabada Muqdisho oo loo muujiyo miisaan intaan le’eg waxay sida iska cad dareen galineysa dalalka reer Galbeedka, sida Mareykanka, Ingiriiska iyo Midowga Yurub, kuwaasi oo ay hadda si weyn ugu tiirsan tahay dowladda Soomaaliya dhaqaale ahaan, siyaasad ahaan iyo amni ahaan.

Waqtiga ay Soomaaliya xoojineyso xiriirka Ruushka ayaa sidoo kale kusoo aadaya xilli adduunka uu go’doon galiyay Moscow, kadib duullaankii ay ku qaadeen Ukraine.

Waxay u muuqataa hanfasho siyaasadeed iyo mid reer Galbeedka ku beeraysa inay dib u qiimeeyaan nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxay kale oo tallaabadan kusoo beegmaysa xilli uu magaalada Washington uu joogo madaxweynaha Kenya William Ruto, kaas oo noqday 16 sano kadib madaxweynihii ugu horreeyay ee African ah oo Aqalka Cad ka hela State-Visit.

Waxaana sida iska cad uu Mareykanka ka wareysanaya madaxweyne William Ruto guud ahaan arrimaha Afrika, gaar ahaan waxa ka socda Bariga Afrika.

Dadka qaar waxay aaminsan yihiin in aan la joogin xilligii ay Muqdisho si weyn iskugu siin laheyd Ruushka.