Sawirro: Waa-Gariiray oo maxkamad la hor-geeyey iyadoo loo heysto kiis yaab leh

Muqdisho (Caasimada Online) –Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta u farriisatay dhagaysiga garmaqalka kiis dacwadeed uu eedeysane ka yahay Hanad Cabdiraxmaan Maxamed oo loo yaqaan Waa-Gariiray.

Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha guud Qaranka uu kusoo eedeeyey faafinta muuqaalo iyo sawirro khilaafsan dhaqanka suuban ee Bulshada Soomaaliyeed.

Xafiiska Xeer-ilaalinta ayaa soo bandhigay muuqaalo iyo sawirro uu baraha bulshada ku faafiyay ninkaan.

Xeer ilaalinta ayaa Waa-Gariiray ku eedeysay in waxyaabaha uu baahiyey ay kasoo hor jeedaan dhaqanka suuban ee bulshada Soomaaliyeed.

Maxkamadda ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga kiiskaan, waxayna ka soo saari doontaa go’aan rasmi ah.

Waa-Gariiray waxaa toddobaadyo ka hor soo xiray booliska Soomaaliya, waxaana maalmihii lasoo dhaafay ku socday baaritaano culus oo ku saabsan dhaqankiisa.

Kiiska ninkaan ayaa hadal-heyn badan ka abuuray baraha bulshada, wixii ka dambeeyey markii isaga la soo xiray booliska Soomaaliya wuxuu sidoo kale soo xiray dhamaan dhalinyaradii baraha bulshada ka waday ‘qabyaaladda, dhaqan xumada iyo aflagaadada.’

Sida ay xubno ka tirsan garsoorka Soomaaliya u sheegeen Caasimada Online, maxkamadeynta Waa-gariiray ayaa bilow u ah maxkamadeynta xubno caan ka ahaa baraha bulshada, balse hadda loo heysto waxyaabihii ay baahi jireen.